Saturday, October 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Shabeellada Hoose Maxamed Ibraahim Barre, ayaa soo dhoweeyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii golaha wasiirrada ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025

Mudane,Maxamed Ibraahim Barre ayaa si gaar ah u bogaadiyay in Gobolka Shabeellada hoose la geeyo, Ciidamada Booliska, Nabad sugidda iyo Maxkamad heer Federaal ah, lana soo celiyo adeegyadii wax-barashada ee Gobolka, gaar ahaan xarunta Gobolka ee Marka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo dhoweeyay in uu Madaxweynuhu faray Wasaaradaha ay arrimahaasi khuseeyaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan Gobolka, si ay halkaasi ugu hir-gelyaan adeegyadii ay Shacabku u baahnaayeen muddada dheer.

Sidoo kale Mudane, Barre oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay diyaariyeen Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Gobolka iyo tan Degmada Marka, isagoo intaa raaciyay inay ku faraxsan yihiin in halkaasi la geeyo Ciidamada Boliiska iyo Nabad-sugidda, maaddaama buu yiri ay la shaqaynta Bulshadu iyaga ku wanaagsan yihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa Wasaaradaha Amniga, Caddaaladda iyo Waxbarashada faray in Gobolka Shabeellada Hoose la geeyo adeegyada asaasiga ah ee ay u baahan yihiin Bulshada halkaasi ku dhaqan, kadib markii uu shalay ka hadlayay shirkii Golaha Wasiirrada ee ka dhacay Muqdisho.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka horumarinta deegaanka

Next Post

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay in la dhisayo Guddiga tacliinta sare

Next Post
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay in la dhisayo Guddiga tacliinta sare

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo sheegay in la dhisayo Guddiga tacliinta sare

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh ku ansixiyey Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS oo gudanaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In