Thursday, July 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka horumarinta deegaanka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 19, 2018
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka horumarinta deegaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

-Waxaa magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya lagu soo gaba-gabeeyay shir looga hadlayay horumarinta degaanka oo uu soo qaban qaabiyay Urur Goboleedka IGAD.

 

Related posts

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025

Kulankan oo socday muddo saddex cisho ah ayaa waxaa ka qayb galay gaba-gabadiisii Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ahna Qunsulka guud ee Safaaradda, Cali Maxamed Sheekh (Bagadi).

Ajandaha shirka ayaa ahaa hannaanka maamul wanaagga degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD iyo yaraynta dhibaatooyinka ka dhasha Dhulka, waxaana Soomaaliya ku matalayay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya ayaa sheegay in kulankaasi xoogga lagu saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamada Gobolka, yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon.

“Waxaa xoogga la saaray ahmiyadda maamul wanaagga Dhulka uu u leeyahay horumarka Waddamadan yaraynta mashaakilka ka dhasha iyo qaabka loo dejin lahaa shuruucda ku habboon” ayuu yiri Wasiir Ciid.

Mudane; Ciid, ayaa sidoo kale sheegay in shirku ay kasoo baxeen talooyin aad muhiim u ah, oo lagu xoojinayo ahmiyadda uu leeyahay maamul wanaagga Dhulka, isagoo intaa raaciyay in Dhulku uu si toos ah xiriir ula leeyahay dhinacyada horumarka, degaan wanaagga, Magaalooyinka iyo Beeraha.

Mashruucan oo ay maal-gelintiisu leedahay Dowladda Switzerland, ayaa waxa uu Dalalka Gobolka kasii socon doonaa Muddo Afar Sano ah, kaasoo wax weyn ka tari doono sidii loo horumarin lahaa degaanka Waddamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

 

Previous Post

QM oo deeq Raashiin ah gaarsiisay Dadka ku go’doonsan Magaalada Idlib ee Dalka Suuriya

Next Post

Maamulka Gobolka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada

Next Post
DAAWO SAWIRRADA: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay dhallinyaro ka mid noqonaya Ciidanka Xoogga Dalka

Maamulka Gobolka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay shirkii Golaha Wasiirrada

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

Arday booqasho ku tegtay beero ku yaala xarunta Wasaaradda Beeraha

July 16, 2025
0

Ku dhawaad 50 arday oo ka qaybgalaya Barnaamijka Tababarka Internet of Things (IoT) ee Beerashada Casriga ah ayaa booqasho waxbarasho...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay Danjire Charles Nicholas King,...

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa maanta si...

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

July 16, 2025
0

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso sidii loo qodi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In