Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
1 year ago
in Wararka
0
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo QM oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo Nidaamka Isbadalka Digital-ka Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), iyo Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP), ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday Is-afgarad (MoU) lagu xoojinayo isbeddelka dijitaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasabadda oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda, waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday UNDP, oo uu horkacayay Mr. Lionel Laurens – Wakiilka Joogtada ah ee UNDP ee Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradda.

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hay’addoodu inay xoojiso taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Isgaarsiinta, oo uu ku tilmaamay hay’ad hormuud u ah isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka.

Wasiir Maxamed Aadan Macallim (Soomaali) ayaa dhankiisa sheegay in heshiiskani yahay mid muhiim ah oo xoojinaya iskaashiga labada dhinac, ayna ka tarjumayso aragtida wadajirka ah ee Soomaaliya horumarsan oo dijitaal ah.

Wasiirku waxa uu uga mahadceliyay UNDP iyo Xafiiska Isu-duwaha Qaramada Midoobay dadaalkooda joogtada ah ee ku wajahan horumarinta dowladnimada casriga ah.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay xilliga dalka laga bilaabi doono qodista ceelasha shidaalka Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Safiirka UK ee Soomaaliya

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In