Thursday, July 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta oo furay Shirka Xirfadleyda Teknoojiyada+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta oo furay Shirka Xirfadleyda Teknoojiyada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Md Cabdi Sheekh Axmed, ayaa si rasmi ah u furay shirka xirfadleyda teknolojiyada ee Soomaaliya Network Operators Group (SomNOG), kaas oo isku keenay khubarada internetka, shirkadaha ka ganacsada internetka, bahda waxbarashada iyo dadka daneeya arrimaha internetka Soomaaliya.

Shirkan oo hal-hayskiisu yahay “Sida internetku u xoojiyo dhaqaalaha dalka,” ayaa imanaya maalin kadib markii SomNOG ay soo xirtay aqoon-isweydaarsi socday afar maalmood oo loo qabtay xirfadleyda internetka ee dalka, waxaana shirkan looga hadli doonaa arrimo ay ka mid yihiin sida loo dhisi karo Xarunta Isku-xirka Internetka (IXP), Hirgelinta IPV6, sida ay shirkaduhu u wadaagi karaan qalabka isgaarsiinta, iyo shuruucda internetka iyo maamulkiisa.

Related posts

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026

Guddoomiyaha SomNOG, Eng. Axmed Siyaad, ayaa sheegay in shirkan uu yahay madal sanadle ah oo la qabto xilligan oo kale, waxay ka kooban tahay siminaarro, shirar iyo kulamo ay isku bartaan bahda internetka Soomaaliya. Shirkan oo ah kii saddexaad ee la qabto, waxaa ka qeybgalaya illaa 150 xirfadley iyo aqoonyahan ka shaqeeyaha arrimaha isgaarsiinta iyo teknoolojitada.

Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sheegay in hay’addu ay taageereyso hawlaha SomNOG maadaama ay ka shaqeynayaan horumarinta aqoonta xirfadleyda maadaama isgaarsiinta iyo teknoolojiyada aan horumar laga gaari Karin haddii aan la dhisin aqoonta xirfadleyda.

“Warbixintii uu sanadkan soo saaray Ururka Caalamiga ee Isgaarsiinta (ITU), Soomaaliya waxay ka mid tahay 5ta dal ee ugu liita caalamka dhinaca helitaanka internetka. Waxaa nalaga doonayaa inaan ka wada shaqeyno sidii arrintaas aan wax uga qaban lahayn innaga oo wada jirna oo mudnaanteeda ay leedahayna siineyna,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.Maareeye Cabdi Sheekh.

Previous Post

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo saxiixay Buugga diiwaangelinta Tacsida Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Gen. Siwar Al Dahab oo ka furan Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Iyo Dekadda Muqdisho

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Iyo Dekadda Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Iyo Dekadda Muqdisho

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐬𝐚𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐝𝐞𝐞𝐠𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

Soomaaliya oo ka qaybgashay shirka Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika

July 23, 2026
0

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga...

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Kuuriyada koofureed oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

July 23, 2026
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, Mudane Xasan Maxamed Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Taliska Ciidanka XDS oo faahfaahin ka bixiyay howlgalkii ka dhacay deegaanka Teedaan

July 22, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa 21-kii bishan fuliyay howlgal duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday deegaanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In