Sunday, July 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, Boostada iyo Khayraadka Biyaha+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Warfaafinta, Boostada iyo Khayraadka Biyaha+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha warfaafinta, boostada iyo khayraadka biyaha.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska kula kulmay wasiir ku-xigeenka wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyada oo uga warbixiyay habsami u socdka shaqooyinka wasaaradda, halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubooyinka ay qaybta ka tahay iyo qorshayaasha howlaha hor-tebinta u leh wasaaradda.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

July 18, 2026
Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

July 18, 2026

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa qayb ka ah  xarumaha uu ra’iisul wasaaruhu kormeerka ku tegay, halkaas oo uu kula kulmay agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimayaasha waaxyaha oo ra’iisul wasaarah uga xog-warammay hannaanka ay shaqada wasaaradda u wadaan.

Mudane Xasan Cali Khayre  ayaa ugu dambayn kormeeray wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo waci-gelinta oo uu kula kulmay wasiirka wasaaradda, agaasimaha guud iyo agaasimayaasha waaxyada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhammaan masuuliyiinta wasaaradaha uu booqday waxa uu faray in si hufan ay uga qayb qaataan barnaamijka is-xilqaan iyaga oo ka bilaabaya qurxinta iyo dib u hagaajinta xarumaha wasaaradahooda iyo in ay laba jibbaaraan dardar-gelinta shaqooyinka ay u hayaan qaranka si loo gaaro hadafka guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa hawlaha kor-joogteynta lagula socdo shaqooyinka wasaaradaha xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dawladda, qorshahaas oo ku salaysan isla xisaabtan, hufnaan iyo daah-furnaan, si mar walba loola socdo horumarrada la gaaray iyo dar-dar gelinta howlaha hor-tebinta leh ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda u yaalla.

Previous Post

Wasiirka Boostadda, Isgaarsiinta iyo Teknoolijiyadda oo ka qeyb galay Munaasabad Arday dhameystay Jaamacadda UCT “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye ku-xigeenka M/Mulka G/Banaadir oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

Next Post
Guddoomiye ku-xigeenka M/Mulka G/Banaadir oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

Guddoomiye ku-xigeenka M/Mulka G/Banaadir oo ka qeyb galaya Shirka Golaha Maayarada Caalamka

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐟𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨-𝐚𝐛𝐮𝐮𝐫𝐤𝐚

July 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Guddi heerkiisu sarreeyo oo qaabilsan horumarinta xirfadaha iyo...

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

Madaxda Wasaaradaha Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamuud Cabdi Cali oo ka mid ahaa rug-caddaayadii saxaafadda

July 18, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ka digtay hurinta colaadaha

July 18, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa xaaladaha la xiriira falalka hurinta colaadaha,...

Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

July 18, 2026
0

Waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb si weyn loogu soo dhaweeyay musharaxa Urur Siyaasadeedka JSP ee hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In