Wednesday, October 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Senator Ilyees Cali Xasan” Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa iney Golaha Aqalka sare ansixiyaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka”+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Senator Ilyees Cali Xasan” Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa iney Golaha Aqalka sare ansixiyaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka”+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kalafadhiga 4-aad kullankiisa 2-aad ku yeeshay xarunta Golaha ayaa waxay warbixin akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka kaga dhageysteen Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Golaha Aqalka sare Senator Ilyees Cali Xasan.

Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in Hindise-sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka oo ka soo gudbay Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu hadda mudo 11-bilood ah horyaalo Golaha Aqalka sare mudadaasina Guddiga uu kullamo talo uruurin ah la yeeshay xubno metalayay Dowlad Gobolleedyada,Khubaro dhanka biyaha,sharciyaqaano iyo ururada Bulshada rayidka ah si ay talooyinkooda ugu biiriyaan.

Related posts

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025

Maalinta Axada ee soo socoto ayuu sheegay in Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaa Hindise sharciyeedka Biyaha iyo sameynta Hay’adda Maareynta Biyaha Qaranka markaasi oo ay goob joog ka noqon doonaan Mas’uuliyiin ka socota Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Biyaha Qaranka Golaha Aqalka sare Senator Ilyees Cali Xasan ayaa sheegay in meel marinta sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay shacabka Soomaaliyeed,islamarkaana uu rajo wanaagsan ka muujinayo in maalinta axada xubnaha Golaha Aqalka sare ay ansixin doonaan si loo dhaqan geliyo.

Sida uu qabo sharcigan, waxaa la dhisi doonaa hay’adda maareynta Kheyraadka Biyaha Qaranka oo mas’uul ka noqonaysa qorsheynta, maareynta, isticmaalka iyo ilaalinta kheyraadka biyaha. Waxaa uu sharcigu siinayaa awoodaha ay u baahan tahay si ay u fuliso waajibaadkeeda.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa baahi weyn u qabta helida Biyo tayo leh oo nadiif ah waliba ay ku helaan qiimo jaban,waxayna Dowladda Federaalka wadaa sidii arrintaasi ku suurta geli lahayd.

Senator Ilyees Cali Xasan” Rajo wanaagsan ayaan ka qabnaa iney Golaha Aqalka sare ansixiyaan Hindise sharciyeedka Kheyraadka Biyaha Qaranka”+Sawirro

Previous Post

Gudoomiye Tuulax “Suuqa Bakaaraha waa inay noqotaa goob burcadda ka caagan oo ganacsatada nabadgelyo ku shaqeystaan”

Next Post

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Next Post
Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Dalka oo xariga ka jaray Xarumaha Maxkamadaha Degmooyinka Xamarweyne iyo Hodan

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

October 15, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay in baasaboorada diblumaasiga ee labada dal laga dhaafo shuruudda dal-ku-galka, kaddib...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

October 15, 2025
0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta ka qeyb galay Shirka 72-aad...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

October 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa ka qeybgalay Shirka...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

October 15, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xalay casho sharaf ku maamuusay Guddoomiyaha Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In