Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka JFS oo Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka JFS oo Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025

Ajendaha kulanka guud ee golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,Qeybinta iyo wax ka bedelka Sharciga siyaasada maareynta Maaliyadda ee Dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa golaha ka hor akhriyay baaqa golaha shacabka ee ku aadan dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo ka mid ah Gobolka Sool, isaggoo dadka walaalaha ah ee halkaasi ku dagaalamaya ugu baaqay in wax walba ay ku dhameeyaan wada hadal.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada in ay ka qeyb qaataan xalinta colaadaasi.

Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa golaha faah faahin ka siiyay wax ka bedelka uu kusoo sameeyay Hindise sharciyeeedka Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka,wuxuuna guddiga golaha uu ka codsaday inuu hindise sharciyeedkaan uu ansixiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa talooyinkooda ku biiriyay hindise sharciyeedkaan, Waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray uu sheegay in dooda ku saabsan Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka lagu sii amba qaadi doono kulanka kan xigga.

Previous Post

Duqa Muqdisho iyo dhiggiisa magaaladda Boosaaso oo ka wada hadlay Iskaashiga labada Magaalo “Sawirro”

Next Post

Guddiga loo xilsaaray dib u dhiska Matxafka Qaranka oo dadka halkaasi degan mar kale ugu celiyey inay ka guuraan dhismahaasi “Sawirro”

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

October 16, 2025
0

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal Government of Somalia, and Hideki Matsunaga, Country Manager, World Bank Group,...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In