Ururka u dooda Xaquuqda Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee (SOWJRA} Somali women Joournalist’s rights Association ayaa dood la xariirta sida kor loogu qaadi karo xirfada Gabdhaha Saxafiyiinta ah ee ka howla gala Warbaahinta gudaha ilaa in ka badan 20 Suxufi ugu qabatay Magaaalada Muqdisho.
Dooda ay ka soo baxeen qodobo dhaxal gala ah ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Aqoonyahano tabarayaal dhanka Saxaafada ah ,qabiiro, Gudoomiyaha SOWJRA Leyla Cadceed Osman iyo gudoomiye ku xigeenka ururka Naciimo Saciid Saalax iyo xubno kale.
Gabdhaha Suxufiyiinta oo kala socdeen qeybaha Warbaahinta ayaa soo bandhigay in ay jiraan caqabado badan oo ku gadaaman gabdhaha Saxafiyiinta ah , sidoo kale waxa ay xuseen in ay jirto sinaan la’aan fursadaha tabaradda, shaqadda, ayagoo kaalin ku lahayn go’aan gaarista ama cod ku lahayn Warbaahinta Dhaxdeeda.
Gabdhaha Saxafiyiinta ayaa intaa ku dareen in waqtigaan Warbaahinta ay sii noqonayso mid la jaan qaadaysa Tiknoolajiyadda casriga ah sidaas darteed loo baahan yahay in ay ayagana la-jaan qadaan Horumarka dhanka Teknoolijidda ah ee Warbaahinta.
Gudoomiyaha Ururka u dooda xaquuqda Haweenka Suxufiyiinta Soomaliyeed ee (SOWJRA) Leyla Cadceed Osman ayaa sheegtay in dooda la xariirta sida kor loogu qaadi kro xirfadaha Gabahdaha Saxafiyiinta ah iyo sida ay u difaacan karaan xaquuqdooda Somali women Journalist’s rights (SOWJRA ) ay ka mid yihiin in kor loo qaado xirfadaha Haweenka Warbaahinta in loo oleeleyo xaquuqda gabdhaha, in laga hortogo xadgudubyada iyo in la aqoonsado kaalinta gabdhaha Suxufiyiinta.
Ugu dabeyb gabdhihii Saxafiyiinta ahaa ee ka soo qeyb galay dooda aqoon is waydaarsiga ahayd ayaa uga mahad celiyeen Ururka (SOWJRA) dadaalka ay ugu jiraan sidii ay u hormarin lahaayeen Haweenka Saxafiyiinta Soomaaliyeed isla markaan u heli lahaayeen Xuquuqda ay ku leeyihiin Warbaahinta..