Dowladda Kuweyt ayaa bulshada caalamka ugu baaqday inay taageero siyaasadeed iyo mid maadi ah u fidiyaan Soomaaliya oo iminka mareyso marxalad ay kaga soo kabaneyso dagaaladii sokeeye.
Baaq ayaa ka dambeeyay kadib markii, Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaasi una qaabilsan arrimaha ururada Dowliga ah Nasir Alheyn uu hadaal ka jeediyayShirka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ee Golaha Iskaashiga Islaamka (OIC) oo manta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Wuxuu wasiirku intaa raaciyay inuu dalkiisa kuweyt waxba kala haraynin dadaalka loogu jiro sidii loo sugi lahaa amniga Soomaaliya,isagoo la kaashanaya saaxiibadiisa, iyadoo la raacayo qaraarkii tirsigiisu ahaa 145 oo ka soo baxay kulankii 45-aad ee Golaha wasiirada ururka Iskaashiga Islaamka ee la xiriirtay xaalada Jamhuuriyada Soomaaliya iyo sidii loo taaba gelin lahaa hadafka ay hiigsaneyso ee dhanka horumaarka ah.
Wuxuuna Wasiirka cadeeyay in hadafkaasi oo dowr weyn ka qaadanayo xaqiijinta himilada Soomaaliya iyo sidii ay ula jaanqaadi laheyd caalamka,wuxuuna intaa raaciyay in dalkiisa uu martigelin doono mustaqbalka dhow shirka dalalka deeq-bixiyeyaasha ee Waxbarashada Soomaaliya,taasi oo kaalin weyn ka qaadaneysa horumarka xasiloonida, waxbarashada, faafinta luqada carabiga iyo hirgelinta manhajyo waxbarasho ka fog afkaarta xagjirnimada ah.