Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay la socoto dad rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartay dhacdadii ay ku lug lahaayen ciidamadda AMISOM ee saaka ka dhacday degmada Huriwaa ee Gobalka Banaadir, iyadoona baaritaano ay socdaan sida lagu sheegay Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo sidan u dhignaa.
โDowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay la socotaa dhacdo ay dad rayid ah waxyeello ka soo gaartay oo ka dhacday degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, taas oo ay ku lug leeyihiin ciidanka Nabad Ilaalinta AMISOM.
Dowladda Soomaaliya waxaa ka goโan la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo wixii la hal maala, sidoo kalena waxaa dowladda ka goโan dhowrista bad-qabka shacabka Soomaaliyeed oo ah kan dartiis dagaalka loogu jiro.
Dowladdu waxa ay waddaa baaritaan la xiriira dhacdada maanta, waxa ayna bulshada la wadaagi doontaa wixii ka soo kordhaโ.