Argagixisada Al-Shabaab ayaa ku faanay falkii ay shalay ka geysteen Muqdisho, kaasi oo ahaa qaraxyo ay u adeegsadeen gawaari oo ay la bartilmaameedsadeen shacab aan waxba galabsan.
Qaraxyada ayaa dhacay xilli waddada KM4 ay ahayd mid saxmad ah oo dadka iyo gaadiidka dadweynuhu isaga kala gooshayeen, kuwaas oo u socdaalayay xaafadahooda maadaama ay ahayd casir liiq.
Sawirka gaariga idin muuqdo waa gaadiidka nuuca dadweynaha waxaa haleelay mid ka mid ah qaraxyadii ay shalay Muqdisho ka geysteen argagixisada Al-Shabaab, waxaana uu sababay dhimashada iyo dhaawac dad saarnaa gaarigan, kuwaasi oo isugu jiray carruur, haween iyo rag, oo qaarkood ka yimid maalin joog oo ay eheladooda la soo qaadanayeen halka kuwa kale ay ahaayeen kuwa shaqooyinka ka soo laabtay oo u socday guryahooda.
Inta la ogyahay 20 qof oo aan waxba galabsan ayay waddada ku xasuuqeen halka kuwa kalena ay ku dhaawaceen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana muuqaalka sawirkan muujinayaa in waddada ay mar qura noqotay dhiig sida biyaha oo kale u qulqulaya, taasi oo ah ujeedka argagixisada inay biyo ahaan ugu qumeystaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Sawirka idin muuqdo waa shan ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab oo ciidamada ammaanku ku toogteen banaanka kore ee Hote Saxafi, kuwaasi oo doonayay inay gudaha u galaan Hotelka, halka mid ka lixaad uu isku qarxiyay ilinka hore barkoontarool oo halkaasi ku tiilay, waxaana wadarta dhagar qabayaasha weerarka soo qaaday ay ahayeen lix ruux marka laga reebo labo kale ee isku qarxisay gawaarida lala eegtay goob dadku ay gaadiidka ka raacaan.
Meydkan waxa uu ahaa dhagar qabe ka tirsan Al-Shabaab oo watay sahay buskut iyo waxyaabo kale, isaga oo ujeedkiisu ahaa daadinta dhiigga Ummadda Soomaaliyeed, balse taasi waxaa gaashaanka u daruuray oo durbadiiba ka hor tegay ciidamada Ammaanka oo dhagar qabahan ku toogtay banaanka hore ee Hotel Saxafi.
W/D Maxamed Macalin Xasan