Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta baaq nabadeed ka soo saaray colaada ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale.

 

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin colaada ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud.

“ Waxaan magaca golaha shacabka baaq ugu soo jeedinayaa shacabka ku dhaqanka gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale oo ay colaad ka soo cusboonaatay oo dhex martay beelo walaalo ah, waxaan beelahaas usoo jeedineynaa in si deg deg ah nabadda ku qaataan oo ay heshiiyaan”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Guddoomiye Mahad ayaa xukuumadda Soomaaliya ka codsaday iney xoogga saarto joojinta colaadaas iyo in beelaha walaalaha la heshiisiiyo.

“ Waxaan usoo jeedineynaa xukuumadda iyo maamulada kale ee degaankaas ka jira in beelaha dirirtu ka dhaxeyso gurmad deg deg ah loo diro, colaadana la joojiyo”. ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Previous Post

Dab Qabsatay Qeyb Ka Mid Ah Keydka Hadalka Radio Muqdisho Oo Lagu Guuleystay In La Demiyo

Next Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday ku noqoshada misaaniyadda dowladda 2018-ka “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday ku noqoshada misaaniyadda dowladda 2018-ka “SAWIRRO”

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday ku noqoshada misaaniyadda dowladda 2018-ka "SAWIRRO"

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In