Saturday, February 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday ku noqoshada misaaniyadda dowladda 2018-ka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo markale ka dooday ku noqoshada misaaniyadda dowladda 2018-ka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa maanta ka dooday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018-ka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda.

Related posts

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026

Kulanka oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 148 Xildhibaan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda, waxaana ay  soo bandhigeen talooyin ku saabsan noqoshada miisaaniyadda iyo meelaha u baahan sixitaanka.

Sidoo kale Xildhibaannada qaar ayaa soo jeediyay in si deg deg ah lagu ansixiyo ku noqoshada miisaaniyadda 2018-ka oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada dowladda.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Xildhibaannada ka codsaday in la ansixiyo.

Dood dheer iyo dhageysi talooyinka Xildhibaannada ka dib waxaa Guddiga Maaliyadda la faray in ay ka soo shaqeeyaan arrintaan, kana soo dhigaan qaraar, Golaha Shacabkana usoo gudbiyaan maalinta Arbacada.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in Golaha Shacabka uu arrintaan ku wareejiyay Guddiga Maaliyadda si loogu soo dhigo qaraar.

“Wasiir anagu waxan ansixinaa qaraar uu Guddi soo diyaariyay, hadaba deg degta jirta awgeed Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda inoogu xil saaran, waxaan ka rabnaa iney arrinkaan ka soo shaqeeyaan oo ay noo keen Arbacada, si golaha uu u ansixiyo qaraar cad oo dhan walbo laga soo diyaariyay”. ayuu yiri Guddoomiye Mahad.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad “ Oomaar” ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay xeerka Hay’adda duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada.

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan uu muhiim u yahay dalka wax badan oo horumar ahna laga gaari doono hadii Golaha Shacabka ay ansixiyaan.

“Hindise sharciyeedkan waxa uu aas aas u yahay Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliyeed waa muhiim in si wadajir ah loogu shaqeeyo si caalamka aan ula tartanno”. Ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Previous Post

Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saaray colaada Gobolka Galgaduud

Next Post

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cabdiweli

Next Post
Hirshabeelle oo ka mahad celisay doorka ay Dowladda federaalka ka geysatay caawinta Dadka ku waxyeelloobay fatahaadda Webiga Shabeelle

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaan Cabdiweli

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo lagu qabtay dalka UK

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(LONDON):-Magaalada London ee Caasimadda Dalka UK waxaa xalay lagu qabtay munaasabad si weyn loogu soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayo...

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

Soomaaliya oo sanadkan ka qayb galaysa dhoolla-tuska badda ee dalalka caalamka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya ayaa ku biirtay dhoolatus ballaaran oo ay wadajir u sameynayaan ciidamada badda dalal dhowr ah, kaas oo ujeeddadiisu...

Safaaradda JFS ee dalka Tanzania oo dhawaan xarig jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka safiirka

Safaaradda JFS ee dalka Tanzania oo dhawaan xarig jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka safiirka

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(TANZANIA):-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Tanzania ayaa dhowaan xarigga ka jari doonta dhismaha cusub ee deegaanka Safiirka, taas...

Madaxweynaha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyay dalka Qatar

Madaxweynaha JFS oo si diirran loogu soo dhaweeyay dalka Qatar

February 7, 2026
0

RADIO MUQDISHO(QATAR):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In