Thursday, January 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Qaranka oo guul u rajeeyay Ciyaartoyda dalkeena oo la ciyaaraya dhigooda dalka Itoobiya

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo casho sharaf u sameeyay xulka qaranka Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisulwasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka kubadda cagta dalkeenna ee Xiddigaha Badweynta oo la cayaari doona xiggooda Ethiopia.

 

Related posts

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

January 1, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

January 1, 2026

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter,ayuu ra’iisulwasaare Kheyre ku yiri ‘Waxaan guul u rajeynayaaxulkeenna kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhiggooda Ethiopia”

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa intaas ku daray in mas’uuliyiinta,shacabka iyo qarankuba ay taageero la garab taagan yihiin Xulka Qaranka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad oo xalay  casho sharaf ugu sameeyay cayaartoyda xulka Soomaaliyeed ayaa u rajeeyay ciyaartoyda inay guul muhiim ah soo hooyaan.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka dhalinyarada ciyaaraha iyana dhankeena aad u ammaantay diyaar garowga ciyaartoyda dalkeena waxayna aad ugu rajaysay inay guul lagu farxo ay ka soo hooyaan ciyaarta galabta iyo ciyaaraha kale.

Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa galabta yeelan doona kulan ciyaareed ka dhici doona magaalada Adis ababa kaas oo qeyb ka ah is-reeb reebka ciyaaraha Olypicada adduunka oo ka dhici doona Tokyo, japan sanadka 2020

Previous Post

Ciidamadda Amniga oo Gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Argagaxisada Daacish

Next Post

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka

Next Post
Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiyay dib u eegista Miisaaniyadda Dowladda ee 2018-ka

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

Abaar daran oo saameysay dadka iyo duunyada oo ka taagan gobolka Mudug.

January 1, 2026
0

Gobolka Mudug waxaa ka taagan abaar daran oo si weyn u saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanka. Abaaraha socda...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay hoggaanka Golaha Ammaanka ee QM.

January 1, 2026
0

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bisha Janaayo 2026. Tallaabadan...

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

Soomaaliya oo ka mahadcelisay dowladaha iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee garab istaagay

December 31, 2025
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mahadnaq ballaaran u jeedinaysaa dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee garab-istaagga iyo taageerada buuxa u muujiyay...

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

Hay’adda NIRA oo xarun cusub ka furatay degmada Ceeldheer

December 31, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu daahfurayay xarunta cusub ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangelinta ee NIRA ayaa lagu qabtay magaalada Ceeldheer ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In