Tuesday, April 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, waxaa kulanka shir guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibrahim (Muudeey).

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, waxaana la marsiiyay habraacii Golaha.

Dhamaan Xildhibaanadii Madasha fadhiyay ee 158 gaarayay ayaa cod wada ogol ah ku ansixiyay, mana jirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Drs Foosiyo Abiikar Nuur ayaa golaha shacabka kaga mahad celisay ansixinta hindise sharciyeedkan oo hada ka dib noqonayo sharci, waxaana ay tilmaantay muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay iyo kaalinta uu ka qaadan karo hormarinta Caafimaadka.

“Mudanayaal aad baa idiinkaga mahad celinaya ansixinta sharcigaan, Wasaaradda Caafimaadka hada ka dib waxa u fududaaneyso la xisaabtanka Hay’addaha Caafimaadka iyo dadka ku shaqeeya xirfadan, sharcigan waxa uu xakameynaya daawooyinka dalka soo galaya iyo Ajaaniibta imaaneysa Dalka”. ayay tiri Wasiir Foosiya.

Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyay Hindise sharciyeedka dhismaha Hay’adda dadka naafada ah oo mari doono aqrinta saddexaad.

Previous Post

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS oo Olole Nadaafadeed ka Bilaabay Madxafka Qaranka

Next Post

IS militant captured in a security operation in the capital

Next Post
IS militant captured in a security operation in the capital

IS militant captured in a security operation in the capital

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

Hay’adaha SoDMA iyo QM oo ka wada hadlay xoojinta gurmadka bani’aadannimo ee Soomaaliya

April 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda ku qaabilay Tom Fletcher, Ku-xigeenka Xoghayaha...

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Ka bilaabatay magaalada Galbarwaaqo

April 28, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ka bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Galbarwaaqo ee gobolka Mudug, oo ka...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay hoggaanka Dhaqanka Soomaaliyeed

April 28, 2026
0

Muqdisho, Abriil 28, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad casho sharaf ah oo ka dhacday...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay waqtiga dooeashada Koonfur Galbeed

April 27, 2026
0

Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan kordhinta muddada kama-dambeysta ah ee soo gudbinta liisaska musharaxiinta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In