Monday, April 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 Shirka Banbax Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo muddo seddex maalin ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo xiray Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Shirka oo ay ka qaybgaleen Agaasimayaasha, La-taliyayaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa intuu socday waxaa lagu diyaarinayay qorshaha 2019ka ee Wasaaradda iyo tababar ay qaateen dhamaan shaqaalaha Wasaaradda.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026

Ugu horeeyn Agaasimaha Guud ayaa Wasiir Cabdi Xoosh iyo Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xusen Cilmi uga warbixiyay tabarada ay qaateen shaqaalaha Wasaaradda iyo qorshaha Wasaaradda ee 2019ka.

Dhanka kale, Wasiir Ku-Xigeenka Dr. Xuseen Cabdi Cilmi iyo La-
taliyayaasha kala ah Zahra Cali Xasan iyo Cali Ismaaciil Cabdi Giir ayaa si wadajir ah uga hadleen muhiimada shirkan iyagoo soo jeediyay talooyin ku saabsan sidii loo fulin lahaa qorshaha Wasaaradda ee 2019ka.

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka ayaa yiri “Waxaan ku faraxsanahay sida aad u soo bandhigteen waxqabadka waaxyaha Wasaaradda ee sanadkan dhamaanaya iyo qorshaha aad diyaariseen sanadka 2019ka, waxaad ogtihiin duruufihii adkaa ee 20 bil ka hor aan ku bilownay hawsha. Waxaad muujiseen hawlkarnimo iyo dal jaceeyl oo aad aaminteen in danaheena gaarka ah ay ka weyntahay danta dalka” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambayn, shirkan ayaa ah Banbixii ugu horeeyay ee ay Wasaaradda yeelato waxaana la qorsheeyay in uu noqdo mid sanadkiiba mar qabsooma.

Previous Post

3-dii December 2009-kii maalin xambaarsan murugo.

Next Post

 Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay “SAWIRRO”

Next Post
 Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay “SAWIRRO”

 Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay "SAWIRRO"

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Nabad dhisidda

April 13, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Cabdulqaadir Cilmi, ayaa maanta ka qaybgalay kulan ku saabsan doorka...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

April 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali ayaa kulan kula yeeshay xarunta...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay Xeer-nidaamiyaha Cafiska Guud

April 13, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka...

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

Xuseen Iidow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ew Hay’adda Socdaalka

April 13, 2026
0

Golaha Wasiiradda XJFS ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, xilkaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In