Wednesday, April 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
 Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Soomaaliya ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cismaan Libaax Ibraahim oo uu wehliyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta kormeer ku tegay  xarunta sheybaarka tayada Biyaha oo dib u dhis lagu sameeyay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026

Xarunta Sheybaarka tayada Biyaha oo saameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye iyo marxaladihii adkaa ee dalka uu soo maray, ayaa waxaa maalgeliyay mashruucaan Bankiga Horumarinta Afrika oo u soo marsiisay Hay’adda  IOM.

Wasiir Cismaan Libaax Ibraahin ayaa sheegay in Wasaaraddu ay ka go’antahay dar dargelinta hirgelinta Wakaaladda biyaha ee Muqdisho, si bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda iyo nawaaxigeeda ay u helaan biyo nadiif ah.

“Wasaaradda waxaa ka go’an in la dar dargeliyo dhismaha Wakaaladda biyaha sida xarunta Sheybaarka, macahadka tababarada iyo korontada, waxaana naga saacidaya bankiga horumarinta Afrika, iyadoo ay fulineyso hay’adda IOM-ta ” ayuu yiri Wasiir Cusmaan Libaax Ibraahim.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in dhawaan dib u dhis lagu saameeyo dhismaha Wakaaladda  biyaha iyo Macahadka tababarada biyaha iyo korontada oo iyagu ka muuqdo Bur-bur xoog leh, waxaana qorshahu yahay in Wasaaradda ay ku shaqeyso.

“Dhismaha Wakaaladda biyaha dhawaan ayaa la bilaabayaa sida qorshuhu yahay, waxaana ugu talagalnay in Wasaaradda ay ku shaqeyso, islamarkaana Ra’isulwaasaraha Xukumadda uu xariga ka jaro, waxaana ay wax badan ka qaban doontaa in biyo nadiif ah oo ay helaan bulshada ku nool caasimadda,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradad Tamarta.

Marka laga yimaado dhismahan waxaa u dhiman in la qalabeeyo, waxaana qorshaha uu yahay in dhawaan uu xariga ka jaro Ra’isulwasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana wax badan ay ka tari doontaa dib u howlgelinta Xarunta in bulshda ku nool Caasimadda ay helaan biyo nadiif.

Previous Post

Wasiir Cabdi Xoosh oo soo xiray shirka Banbaxa Sanadeedka ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka

Next Post

Sayid-Ali Abdullahi Salad: A champion for the rights of persons living with disabilities

Next Post
Sayid-Ali Abdullahi Salad: A champion for the rights of persons living with disabilities

Sayid-Ali Abdullahi Salad: A champion for the rights of persons living with disabilities

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Hoygiisa ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada Puntland

April 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoygiisa ku qaabilay, kulan casho ahna kula qaatay qaar ka mid ah...

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Warfaafinta oo qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

April 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay sii-hayaha Wakiilka Xoghayaha Guud...

Madaxweynaha  Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Azerbaijan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

April 14, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo si rasmi ah u gudbisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta

April 14, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta si rasmi ah u gudbisay nuqulka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In