Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Howlgal qorsheysan oo lagu Burburiyay Xarun lagu diyaarinayay Walxaha Qarxa iyo Maleeshiyaad lagu Khaarijiyay

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Howlgal qorsheysan oo lagu Burburiyay Xarun lagu diyaarinayay Walxaha Qarxa iyo Maleeshiyaad lagu Khaarijiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Amniga ayaa Howlgal qorsheysan oo looga hortgayo Cadowga Umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab ka fuliyay tuulada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose, sida uu sheegay Taliska NISA.

 

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Argagaxisada Al shabaab oo diyaarinayay Qaraxyo ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

“Howlgal ciidanka Amnigu xalay ka fuliyay xarun ay Alshabab ku lahayd tuulada Awdheegle, ayaa lagu soo qabtay walxaha qarxa oo loo diyaariyay in lagu dhibaateeyo shacabka. Ciidanka Amniga ayaa naftooda u hura badbaadada shacabka”.ayaa Lagu yiri War ka soo baxay NISA.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Howlgalkaasi la fuliyay xalay saqdii dhexe lagu khaarijiyay Dhagar qabayaashii halkaasi ku diyaarinayay qaraxyo ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Howlgal qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Awdheegle, waxaana xarunta lala beegsaday Weerarkaasi Argagaxisada ay ku diyaarinayeen Walxaha qarxa, waana la burburiyay guud ahaan goobtii howlgalka qorsheysan lagu qaaday si guul ayuu kusoo dhamaaday, Maleeshiyaad badan ayaana goobta lagu laayay”.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Howlgalo lagu ciribtirayo Al shabaab ay ka socdaan Deegaanada Lambar 60 iyo Buufow oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose, iyadoo ay Ciidamada ku guuleysteen in Maleeshiyaadka ay kasoo saaraan Wadada dhanka Xeebta.

Previous Post

Horjoogayaal Shabaab ah oo lagu laayay Shabeellaha Dhexe

Next Post

Maraykanka oo xoojinaya xiriirka dibolomaasi ee Soomaaliya

Next Post
Maraykanka oo xoojinaya  xiriirka dibolomaasi ee Soomaaliya

Maraykanka oo xoojinaya xiriirka dibolomaasi ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In