Tuesday, March 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo lagu laayay deegaanka Basra

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
In ka badan 15-Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Jubbada Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Basra oo 18-KM dhinaca koofur kaga beegan degmada Balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya howlgal qorshaysan oo laga sameeyay in lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026

Howlgalkaan oo ahaa mid aad u qorshayn ayaa xalay saqdii dhexe laga fuliyay deegaankaan waxaana Maleeshiyaadka lagu laayay ka mid ah Horjooge magaciisa lagu soo koobay Macalin Daahir oo Argagixisada u qaalbilsanaa degmada Balcad iyo deegaanada Hoostaga, sida uu ogaaday Radio Muqdisho.

Horjooge Cabdiraxmaan Abuu Salmaan oo asna Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca xukunada lagu boobo, laguna laayo shacabka iyo ku dhowaad 10-kale oo Maleeshiyaad ah ayaa Goobta lagu laayay.

Dhanka kale War kooban oo Hay’anadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA la soo dhigay barta ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in goobta uu ka dhacay howlgalkaan  lagu Abaabulay weerar Argagixisadu ay doonayeen inya ku dhibaateeyaan Shacabka.

Sidoo kale NISA ayaa shaacisay in Horjoogihii Al-Shabaab ee ugu sareeyay ee halkaasi ku sugnaa Gacanta lagu soo dhigay.

Ciidanka gaarka ah ee howlgalkaan fuliyay ayaa waxay ku guulaysteen in ay siidaayaan in ka badan 20-qof oo Shacab Masaakiin ah oo Al-Shabaab xoog ugu afduubnaa oo ay ku haysteen goobta uu howlgalka ka dhacay.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Radio Muqdisho  ayaa inoo xaqiijiyay  in Horjoogayaasha kala ah Macalin Daahir iyo Cabsiraxmaan Abuu Salmaan ay dhibaato badan ku haayeen dadka.

Previous Post

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-udhiska XfS oo Turkiga kula kulmay mas’uuliyiin

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Matxafka Qaranka

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Matxafka Qaranka

Madaxweyne Farmaajo oo dhagax dhigay dib-u-dhiska Matxafka Qaranka

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobalka Shabeellada Dhexe

March 23, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoos yimaada Warciise ee gobolka Shabeellaha...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Maxamed Faarax Jiis

March 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

March 23, 2026
0

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo lagu qaybiyay deegaanno hoostaga degmada Guriceel ee gobolka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku dhawaaqday in dalku galay marxalad doorasho loo dhan yahay

March 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay si rasmi ah ugu wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed in dalku uu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In