Monday, September 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca Dalka iyo Taliyaha CXD oo kulan dhiira gelin ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga+Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca Dalka iyo Taliyaha CXD oo kulan dhiira gelin ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali “Amar Dambe” oo ay wehliyaan Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashandhigga, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka qeyb galay kulan Baroordiiq ah oo loo sameeyay Saraakiishii iyo Askartii dhawaan ku shahiiday Qarax ka dhacay deegaanka Dhanaane.

kulanka oo isugu jiray Baroordiiq iyo dhiira galinta Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa ka goob joog ahaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa Faray Saraakiisha Ciidanka in maleeyshiyaadka Al-Shabaab Howlgalka ama isagoo dagalamaya la qabto ay goobta ku dilaan Ciidanka si xanuunka loo tuso cadowga.

Generaal Daahir ayaa tibaaxay in markii hore raga ka tirsan Al-shabaab dagaalka lagu qabto la horgeyn jiray Maxkamad,balse taasi ay sababtay in maleeshiyada Al-Shabaab ka buuxsamaan xabsiyada.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Fadaralka Soomaaliya Xasan Maxamed Cali Amardambe waxa uu sheegay in kooxda nabad diidka ah ay u hoggaansami waayeen cafiskii uu u fidiyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya hadda wixii ka danbeeyana uu ka dhaxeeyo dagaal ba’an,islamarkaana loo adkeysan doonin iney markasta laayaan dadka birimageedada ah.

Sidoo kale,Wasiir Amar dambe ayaa tibaaxay in dhwaan la hirgelin doono goobihii lagu xanaaneey jiray Carruurta agoonta Ciidanka Xoogga Dalka.

“ Agoonta ay ka tageen Ciidamada Xoogga dalka sida Taliyaha uu sheegay dhaqan ayay leeyihiin sarkaalka ama sarkaal xigeenada Waagii hore iyo haddaba waxaan la haan jirnay xarun lagu xanaaneeyo agoontaas,sidoo kale agoonta ay ka tageen annigoo ku hadlayo magaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisal wasaaraha Xukuumaddaba in daryeel runtii la siin doono aysan tabi doonin Aabayaashoodii ka tagay aadaa u mahadsan tihiin,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxame Cali.

Previous Post

Madaxweyne JFS oo waraaqaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka Norwey

Next Post

Ra’iisul Wasare Ku-xigeenda XFS oo Ka qayb galay shirka Amniga ee ka furmay Jordan

Next Post
Ra’iisul Wasare Ku-xigeenda XFS oo Ka qayb galay shirka Amniga ee ka furmay Jordan

Ra’iisul Wasare Ku-xigeenda XFS oo Ka qayb galay shirka Amniga ee ka furmay Jordan

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Maalinta Dalxiiska Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

September 13, 2026
0

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad lagu xusayo Maalinta Dalxiiska Soomaaliya. Munaasabadda waxaa lagu...

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

Kormeerka Baahiyaha Biyaha iyo Caafimaadka ee Deegaannada Galmudug

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, Cabdullaahi Maxamed Daahir Leedo, oo ay weheliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax...

Wasiirka  Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Wasiirka Xannaanada Xoolaha, XFS oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa maanta kulan xoojinta iskaashiga iyo...

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

Madaxda Wasaaradda Gaadiidka XFS oo ka qeybgalay madasha isla-xisaabtanka waxqabadka Xukuumadda Dan Qaran

September 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux, oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In