Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka Caasimadda uga Mahadceliyay Soo Dhaweynta Wafdigii Eriteriya iyo Dulqaadka ay Muujiyeen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo abuuray Golaha Dhaqaalaha Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad celiyey shacabka ku dhaqan Caasimadda sida ay uga qeyb qaateen soo dhaweynta iyo marti soorka wafdi-Madaxeedkii dalka aan walaalaha nahay ee Ereteriya oo booqasho ku yimid dalka.

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

July 27, 2026
Urur Siyaasadda Karaama oo agab waxbarasho ku wareejiyay Sheekh Ibraahim ee Mesegawaa

Urur Siyaasadda Karaama oo agab waxbarasho ku wareejiyay Sheekh Ibraahim ee Mesegawaa

July 27, 2026

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay muujiyen awoodda ay u leeyihiin in ay casuumaado rasmi ah oo maalma qaata ay ku maamuusaan Madaxda dalalka caalamka, gaar ahaan dalalka aan dan wadaagta nahay, taas oo bud dhig u ah xiriirka iskaashi iyo midka diblumaasiyadeed.

“Waxaan ku bogaadinayaa bulshada Caasimadda sida ay ula shaqeeyeen laamaha ammaanka iyo in ay u dulqaateen culeysyada dhanka isu socodka iyo ganacsiga labadii maalmood ee ay martidu nala joogtay.”

SIdoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidamada Qalabka Sida, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada iyo guud ahaan cutubyadii u taagnaa maalmahan xaqiijinta amniga wafdi Madaxeedka Dalka Ereteriya, isagoona faray in ay sii laba laabaan dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan ilaalinta amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Ciidankeenna geesiyaasha ah ee maalin iyo habeen u taagan ilaalinta dhulka, nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed waxaan farayaa in ay halkaas ka sii wadaan dadaalkooda, kana hortagaan fal kasta oo argagixisada Al Shabaab ay ku dhibaataynayaan shacabka iyo maqaamka dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Goleyaasha kale ee Dowladda, Culummada, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka, Dhallinyarada iyo hobollada Qaranka kaalinta ay ka qaateen in ay guul ku soo dhammaato marti gelinta wafdiga dalka aan walaalaha nahay ee Ereteriya.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Akhriso: War-murtiyeedka Wadajirka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Ereteriya

Next Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre “Inta aan anagu joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nala cabsiiyo”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Kheyre “Inta aan anagu joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nala cabsiiyo”

Ra'iisul Wasaare Kheyre “Inta aan anagu joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan  aqbali doonin in nala cabsiiyo"

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

July 27, 2026
0

Dhuusamareeb — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay tababar loo qabtay wakiillada ururrada siyaasadeed ee ka...

Urur Siyaasadda Karaama oo agab waxbarasho ku wareejiyay Sheekh Ibraahim ee Mesegawaa

Urur Siyaasadda Karaama oo agab waxbarasho ku wareejiyay Sheekh Ibraahim ee Mesegawaa

July 27, 2026
0

Ururka Siyaasadda Karaama ayaa agab waxbarasho ku wareejiyay ardayda Dugsiga Sheekh Ibraahim Yare ee deegaanka Mesegawaa, si loo taageero waxbarashada...

Magaalada Ceeldibir ee bariga Gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa diyaar-garowga doorashooyinka Galmudug

Magaalada Ceeldibir ee bariga Gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa diyaar-garowga doorashooyinka Galmudug

July 27, 2026
0

Magaalada Ceeldibir ee bariga gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa diyaar-garow xooggan oo ku aaddan doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan...

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In