Wednesday, July 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dhaqan gelinta qodobadii lagu hehiiyay Nabadda Gaalkacyo oo laga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dhaqan gelinta qodobadii lagu hehiiyay Nabadda Gaalkacyo oo laga hadlay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo ahaa mid lagu soo bandhigayay qodaba habraaca u noqanaya dhameystirka qodabada heshiiska Nabadda Galkacyo ee  la wada saxiixday 16/12/2017 ayaa maanta lagu qabtay Galkacyo

 

Related posts

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayen xubnaha Guddiga Nabad galyada Gobalka Mudug qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka Mudug ee Puntland iyo  Galmudug ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay  Guddoomiyaha Guddiga Nabad galyada iyo dib u heshiisiinta labada maamul Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed oo ka warbixiyay ujeedka kulanka ayaa sheegay in uu yahay mid bulshada iyo mas’uuliyiinta heer gobal iyo heer degmo ee maamulada Puntland iyo Galmudug ay ugu soo gudbinayaan qodobo uu guddigu u arkay in ay wadiiqo u noqon karaan dhameystirka qodabadii  heshiiskii Nabadda ee ay labada maamul iyo waxgaradkoodu ku kala saxiixdeen magaalada Gaalkacyo dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2017 kuwaa oo qaarkood aysan wali dhaqan galin.

suldaanka ayaa sidoo kale sheegay in bulshada iyo maamulkana looga baahan yahay in wixii talo ah oo ay ku biirin karaan ay soo gudbiyaan marka ay akhriyaan qodabada Guddigu soo bandhigay maanta.

Gudoomiyaha ururka dhallinyarada Gobalka Mudug Ceydiid Maxamed Cali Xasan ayaa isna madasha ka akhriyay qodabada la isku soo afgartay in ay habraaca u noqdaan fulinta iyo dhameystirka qodabadii la wada saxiixday 16/12/2017 kuwaasi oo gaarayay 12 qodob oo qaarkood ay qeexayaan kaalinta ay ku yeelanayaan ciidamada AMNIGA Qaranka Soomaaliya iyo kuwa dowlad Gobaleedyada sida loo wajahayo soo qabashada dambiilaha ama dambiilayaasha iyo qaabka ay noqonayso qofka geysta fal dambiyeed dil ah iyo wixii la halmaala.

Ugu danbeyna Mas’uuliyiitii Maamulada Galmudug iyo Puntland ee kulanka ka qeyb galay ayaa bogaadiyay dadaalka Guddiga Nabad galyada Gobalka, iyagoo ku booriyay in bulshadu ay si fiican usoo akhriyaan qodabada ayna guddiga usoo gudbiyaan aragtidooda ku aadan wixii ay ku dari lahaayeen ama u baahan in dib u eegis lagu sameeyo,

Qodabada ay soo saareen guddiga ayaa si wadajir ah loo wada saxiixi doonaa marka dhamaan bulshadu ay kasoo tala bixiyaan

 

Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka oo La Kulmay Madaxwaynahay Jabuuti+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Next Post
Dhageyso: XFS  oo faah faahin ka bixisay qorshayaasha horyaala 2018-2019

Ra'iisul Wasaare Khayre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

Tababarka wajigii labaad ee Kobcinta Awoodda Maaliyadda Cimilada oo la soo gabagabeeyay

July 29, 2026
0

Sanduuqa Qaranka ee Cimilada ee Wasaaradda Maaliyadda, oo kaashanaya Ururka Bangiyada Soomaaliyeed ayaa soo gabagabeeyay maanta tababbarka wajigii labaad ee...

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

Danjire Hodan oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbisay Boqorka Japan ‎

July 29, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, ahna Danjiraha aan degganayn ee Japan, Dr. Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa...

Wasiir Fiqi” Waxaa jira mas’uuliyiin magac dilka dalka, Dowlado shisheeye lacago uga soo qaatay”,

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay duqeymo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Khawaariijta

July 29, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo, ayaa shaaciyay in howlgal duqeyn ah...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

Taliyaha Ciidanka Xoogga Oo Shir Muhiim Ah Uga Qeybgalay Dalka Uganda

July 29, 2026
0

Waxaa maanta magaalada Kampala si rasmi ah uga furmay shirka taliyeyaasha ciidamada dalalka ciidamada ku deeqay Hawlgalka Midowga Afrika ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In