Tuesday, November 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boliiska Talyaaniga oo Xabsiga dhigay Wiil Soomaaliyeed oo looga shakiyay Argagixisanimo

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Boliiska Talyaaniga oo Xabsiga dhigay Wiil Soomaaliyeed oo looga shakiyay Argagixisanimo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Boliiska Dalka Talyaaniga ayaa Isniintii Shalay Xabsiga dhigay, Cumar Moshin Ibraahim, oo 20 Jir ah, kana soo jeeda Soomaaliya, markii lagu eedeeyay inuu Gacan saar la leeyahay Ururka Daacish ama ISIS.

 

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025

Cumar, oo ka shaqaynayay Shirkad qaabbilsan Nadaafadda, ayaa la sheegay inuu ku hanjabay in weerar Bam uu ku qaadayo Kaniisadaha Dalka Talyaaniga, gaar ahaan midda Mad-habta Vatican-ka Khamiistii.

Boliiska Talyaaniga ayaa sheegay, in Ninkani uu la dhacsanaa weerar dhawaan ka dhacay Suuq ay u badan yihiin Kiristanka oo ku yaalla Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska, halkaas oo ay ku dhinteen Shan Qof, falkaas oo ay sheegatay Daacish, waxanay sidoo kale sheegeen inay ku raadjoogeen Mr, Ibrahim, muddo Bil ka badan.

Boliiska ayaa sidoo kale sheegay in Ninkani uu xiriir xagga baraha Bulshada la lahaa, Anas Khalil, oo ah xubin ka tirsan Daacish, isagoo adeegsan jiray Magaca Yuusuf, wuxuuna Dalka Talyaaniga tagay Sanaddii 2016-kii.

Waxaa la adkeeyay ammaanka Kaniisadaha Magaalada Roma, gaar ahaan tan Mad-habta Vatikan-ka, maaddaama lagu guda jira Maalmaha Ciidda Kirismas-ka, iyadoo Dadkana lagu baraarujiyay inay feejignaadaan.

Previous Post

Somali man arrested in Italy after comments about attacking Vatican: police

Next Post

Mareykanka oo Soomaaliya u yaboohay boqolaal milyan oo doolar

Next Post
Mareykanka oo Soomaaliya u yaboohay  boqolaal milyan oo doolar

Mareykanka oo Soomaaliya u yaboohay boqolaal milyan oo doolar

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labada dal

November 25, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Safiirka Dowladda aan...

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

Guddiga doorashooyinka oo kordhisay wakhtiga soo Gudbinta Liisaska Murashaxiinta

November 25, 2025
0

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), isaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha uu sinayo Xeerka Doorashooyinka...

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed

November 24, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka

November 24, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha 2-aad ee Hay’adda Aqoonsiga iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In