Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Xarunta Gurmadka deg-degga ah ee Ciidanka Booliiska Oo Dib Loo Dhisay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Xarunta Gurmadka deg-degga ah ee Ciidanka Booliiska Oo Dib Loo Dhisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa oo ay wehliyeen Wasiirro, taliyaha ciidanka booliiska iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed (Otto Otto) oo dib loo dhisay.

 

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025

Xarunta oo waayihii dambe ay ku shaqaynayeen wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, ayaa dib loogu wareejiyay ciidanka booliiska Soomaaliyeed si ay u hawl gelinayaan adeegga gurmadka deg-degga ah .

Xarunta Otto Otto ayaa dib loo dayac-tiray kadib markii kooxda argagaxisada Al-Shabaab ka fuliyeen weerar bahalnimaha ah July 08, 2018.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale maanta dhagax dhigay dib-u-dhiska xerada Sheelare ee ciidanka daraawiisha booliiska Soomaaliyeed oo ah ciidan ka hor taga rabshadaha, kana ka howl gala xudduudaha dalka iyaga oo la fal galaya ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda sannad guurada 75-aad ee aasaaska Booliiska Soomaaliiyed aawadeed, waxa uu gudaha xarunta tababarka ciidanka booliska Soomaaliyee ee General Kaahiye dhigay Ubax lagu xasuusanayo shuhadadii ciidanka Booliiska ee dhiiggooda u huray qarannimada Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

Previous Post

Musharax Aadan Saran soor oo shaaciyay in doorasho xalaal ah ay ka dhacday Koonfur Galbeed “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso: Khudbadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed doorashada kaddib

Next Post
Cabdi Casiis Lafta Gareen oo loo Doortay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koofur Galbeed

Dhageyso: Khudbadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed doorashada kaddib

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 20ka December,2025 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kooban ku tegay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In