Sunday, July 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Caasimadda dalka Switzerland “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Caasimadda dalka Switzerland “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa booqday Xarunta Dowladda Hoose ee magaalada Bern ee Caasimadda Dalka Switzerland.

 

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Duqa Caasimadda dalka Switzerland Mudane Alec Von Graffenried oo Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ay muhiim tahay xoojinta xiriirka labada caasimadood ee Soomaaliya iyo Switzerland, isagoona warbixin ka siiyey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Dhankiisa, Duqa Muqdisho ayaa uga mahad-celiyey dhiggiisa magaalada Bern marti gelinta iyo soo dhaweynta ay u sameeyeen isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayey oo dalkaas Switzerland kaga qeyb galay shirweynaha Qaramada Midoobey ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

Eng.Yarisow ayaa la wadaagay Maamulka Dowladda Hoose ee Caasumadda dalka Switzerland horumarka ka socda Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo qorsheyaasha lagu tayeynayo shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, isagoona u bandhigay dhiggiisa magalaada Bern in ay uga faaiideeyaan Muqdisho khibradda iyo awoodda shaqo ee ay u leeyihiin ilaalinta deegaanka, bilicda, fududeynta isu socodka gaadiidka, dhismaha jidadka iyo dhawrista faya dhawrka.

Labada Duq ayaa isku afgartay dhammaan qodobbadii ay ka wada hadleen, waxa ayna isla qaateen Joogteynta wada shaqeynta Maamullada Dowladaha Hoose ee Xamar iyo Bern, iyadoona Eng.Yarisow uu u fidiyey marti qaad rasmi ah dhiggiisa Mudane Alec Von, kaas oo aqbalay in uu booqasho ku yimaado Muqdisho.

 

–DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ka hadlay Barnaamijka Tubaha dowladda “Dhageyso”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post
Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In