Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Cabdulahi Goodax Barre ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaad laha ee wasaaradda waxbarashada.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada, agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda waxbarashada.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in kulanka diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada Dalka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa tayada waxbarashada, tababarka macallimiinta iyo Manaahijta cusub ee Soomaaliya.
“Waxaan Maanta shir guddoomiyay kulanka Todobaad laha ee Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee XFS, kulanka waxaan ku lafa gurnay sidii xoogga loo saari lahaa horumarinta waxbarashada Dalka, islamarkana loo dardar gelin lahaa tayada waxbarashada, tababarka macalimiinta iyo manahijtada cusub ee wasaaradda ay diyaarineyso”ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.
Mudane, Cabdulahi Goodax Barre ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada ay ka go’an tahay sidii looga shaqeyn lahaa horumarinta Waxbarashada Dalka.