Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Sudan oo ku Dhawaaqay Nidaam cusub oo Dib u habeyn loogu sameynayo Dhaqaalaha Dalkaasi

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Sudan oo ku Dhawaaqay Nidaam cusub oo Dib u habeyn loogu sameynayo Dhaqaalaha Dalkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxwaynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ku dhawaaqay nidaam cusub oo dib u habayn loogu samaynayo dhaqaalaha dalka, si wax looga qabto maciishadda quutal daruuriga ah oo sii qaaliyoobaysa.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Al-bashiir waxa uu u jeediyey dadka banaanbaxyada dhigaya ee ka cabanaya qiimaha Ceeshka oo sare u kacay inaan looga faa’iidaysan burburinta dalka oo aysan ku dhex dhuuman kooxaha qaswadayaasha ah ee cadawga u shaqeeya.

Ciidamda ammaanka ayuu ku bogaadiyey inay xakameeyeen xaaladda, ayna hor istaageen rabshado qasaare ay ka dhalan lahayd, sidoo kalena ay ilaaliyeen badqabka muwaadiniinta.

Wakaaladda wararka Sudan ee SUNA ayaa xustay in dib u habaynta dhaqaale ee madaxwaynuhu ku dhawaaqay uu diiradda saarayo, nidaamka suuqyada, wax soo saarka gudaha iyo Bankiyada, si heer nololeedka bulshada looga dhigo mid la awoodi karo.

Dhawrkii sano ee ugu dambeeyey waxaa dalka Sudan ka dhacay banaanbaxyada shacabku ay uga cabanayaan dhaqaale xumo, balse dawladda Sudan waxay samaysay tallaabooyin badan oo nidaamka dawladeed lagu ilaalinayo, waxaana Sudan ay ka badbaaday isbadallada Guga Carabta oo wadamo badanoo carbeed colaad dhaxalsiiyey.

Previous Post

Madaxweynaha Mexico oo ka hadlay mas’uuliyiin shil diyaaradeed ku dhinta

Next Post

Hooyo Salaado Xuseen Nuur: Hankeenu waa kii shalay

Next Post
Hooyo Salaado Xuseen Nuur: Hankeenu waa kii shalay

Hooyo Salaado Xuseen Nuur: Hankeenu waa kii shalay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga ahayn ee Guddiga Joogtada

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulan ay...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In