Tuesday, July 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Danyarihii Dulmiga Lagu Dilay.!!

caqiil by caqiil
December 25, 2018
in Maqaallo, Wararka
0
Hooyo Kaltuun oo haatan gurigeeda la joogta qaar kamid ah carruurta ay dhashay ee agoonta

Hooyo Kaltuun oo haatan gurigeeda la joogta qaar kamid ah carruurta ay dhashay ee agoonta

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee, Diinle Qase Raage oo ku magac dheeraa Diinle Kabiirow wuxuu ahaa Aabe, nolosha qoyskiisa ku masaruufa Gaari gacan uu ku xamaali jiray.

 

Related posts

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

July 8, 2025
Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka

Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka

July 8, 2025

Laakiin, noloshiisa ayaa ku dhamaatay meel u dhow Tiyaatarka Qaranka 22-kii bishaan December, ka dib markii Al-Shabaab halkaasi ay ku qarxiyeen Gaari ay ka soo rakibeen waxyaabaha Qarxa.

Gaari gacan ayuu ku riixayay Loor dhuxul ah, oo uu ku sii jeeday guri ku yaala degmada Warta Nabadda, xilliga ay musiibada ku qabsatay Agagaarka Golaha Murtida, sida ay inoo xaqiijisay Kaltuumo Maxamed Mataan oo ah afadiisa.

Diinle Kabiirow, wuxuu ahaa 82-sano jir, ku shaqaysta xoogiisa, wixii dhididkiisa uu ku helana ku koriya carruurtiisa, ku dhowaad 30-sano ayuu ku shaqeynayay Gaari gacanka, sida ay inoo sheegeen dadkii yaqaanay Diinle.

Hooyo Kaltuun oo haatan gurigeeda la joogta qaar kamid ah carruurta ay dhashay ee agoonta
Hooyo Kaltuun oo haatan gurigeeda la joogta qaar kamid ah carruurta ay dhashay ee agoonta

Wuxuu ifka oga tagay Diinle 41- ruux oo isugu jira wuxuu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen iyo xaaskiisa, sidoo kale inta uusan geeriyoon wuxuu gacanta ku haayay oo uu korinayay 21-Carruur ah.

Waxay waayeen Aabahood
Waxay waayeen Aabahood

Wuxuu ahaa nin naxariis badan, oo leh dabeecad wanaagsan, Af gaaban, sidoo kalana dadka caawin jiray oo ay aad u jeclaayeen dadka dariska ah iyo asxaabtiisa, sida ay inoo sheegeen dadkii yaqaanay Diinle.

Hooyo, Kaltuumo Maxamed Mataan, oo ah xaaskii uu ka geeriyooday Aabe, Diinle Qase Raage, ayaa sheegtay inaysan jirin il kale oo ay ku tiirsanaayeen marka laga reebo Marxuumka geeriyooday, waxaana iminka ay sugayaan caawinta Alle iyo sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed.

Ciddii awoodo in ay caawiso qoyskan waxaa ay kala xiriiri karaan; 0617610672.

 

 

Previous Post

Wafdi ka socda Hirshabeele oo maanta tagay Buula Burde+sawirro

Next Post

Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda Caasimadda”Sawirro

Next Post
Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda Caasimadda”Sawirro

Tubta Arrimaha Bulshada oo soo saartay Amar Lagu Dardar-Gelinayo Hagaajinta Bilicda Caasimadda”Sawirro

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

Wasaaradda Deegaanka XFS oo shirka sharciga Saadaasha Hawada ka furtay Nairobi

July 8, 2025
0

Wiasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddelka Cimillada Soomaaliya, Sareeye Guud Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo uu wehliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane...

Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka

Guddiga Gurmadka Qaran oo Shir Ka Yeeshay Xoojinta Gurmadka iyo Diyaar-garowga Musiibooyinka

July 8, 2025
0

Guddiga Gurmadka Qaran ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka arrinsaday xoojinta adeegyada gurmadka degdegga ah iyo u...

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraadka oo ka wada hadlay xoojinta gargaarka beni’aadannimo

July 8, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta...

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

July 7, 2025
0

Shirweynaha Spain–Africa 2025 ayaa ka furmay magaalada Madrid, iyadoo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In