Sunday, August 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed oo maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed oo maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha cusub Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Xilka hoggaanka Koofur galbeed oo Xildhibaanada maamulkaasi dhawaan ay u doorteen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026

Guddoomiyaha Baarlamaanka dawlad goboleedka Koofur galbeed Mudane C/qaadir Shariif Shiikhuna oo ahaa Ku-simaha Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Xilkaasi Mudane C/casiis Lafta gareen.

Munaasabadda Xil wareejinta oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dawlad goboleedka Koofur galbeed  ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha cusub Dawlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa u mahad celiyey Madaxdii hore ee maamulkaasi, isaggoo tilmaamay in shaqada ugu horreyso ee u taalla ay tahay dardar gelinta howlaha amniga lagu xaqiijinayo.

“Waxaan maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxweynanimo ee Koonfur Galbeed kaas oo uu ku sime ka sii ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KG Cabdiqaadir Shariif Shiikhunaa Maye”

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan madaxdii hore maamulka halkaan soo gaarsiiyey howsha, waxaan rabaa dardargelinta howlaha muhiimka ah ee na hor yaallo oo ay ugu horreyso amniga in aan si wadajir ah wax uga qabano”

“Waxaan shacabka reer koonfur galbeed ugu baaqayaa in si cadaallad ah aan ugu shaqeyn doono, taasi oo horey la iigu dhaariyey la iguna doortey” siddaas ayuu yiri Madaxweynaha koofur galbeed.

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta oo xarigga ka jaray xafiiska Care International oo Muqdisho laga furay “SAWIRRO”

Next Post

 Guddiga Maaliyadda ee  Golaha Shacabka oo guddoon cusub doortay “SAWIRRO”

Next Post
 Guddiga Maaliyadda ee  Golaha Shacabka oo guddoon cusub doortay “SAWIRRO”

 Guddiga Maaliyadda ee  Golaha Shacabka oo guddoon cusub doortay "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu taageerayo 130 qoys oo Agoon danyar ah

August 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay mashruuc taakuleyn lacageed ah oo lagu...

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

Markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙 oo lagu heystay xeebaha Eyl oo la soo furtay

August 29, 2026
0

Ciidanka Badda Turkiga, oo iskaashi la sameynayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa soo furtay markabka 𝗠𝗩 𝗟𝗔𝗧𝗨𝗙, oo burcad-badeeddu 17-kii...

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

Mudaneyaasha Aqalka Sare oo maanta akhrinta Koowaad marsiiyay laba Hindise-Sharciyeed

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta akhrinta koowaad marsiiyay laba hindise-sharciyeed oo muhiim u ah...

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee NIRA oo Muqdisho ku qabatay kulan wacyigelin dadweyne

August 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dadweyne oo looga hadlay dhisidda kalsoonida iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In