Friday, October 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed oo maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha cusub ee Koofur Galbeed oo maanta si rasmi ah Xilka ula wareegay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha cusub Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay Xilka hoggaanka Koofur galbeed oo Xildhibaanada maamulkaasi dhawaan ay u doorteen.

 

Related posts

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka dawlad goboleedka Koofur galbeed Mudane C/qaadir Shariif Shiikhuna oo ahaa Ku-simaha Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Xilkaasi Mudane C/casiis Lafta gareen.

Munaasabadda Xil wareejinta oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Dawlad goboleedka Koofur galbeed  ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha cusub Dawlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa u mahad celiyey Madaxdii hore ee maamulkaasi, isaggoo tilmaamay in shaqada ugu horreyso ee u taalla ay tahay dardar gelinta howlaha amniga lagu xaqiijinayo.

“Waxaan maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Madaxweynanimo ee Koonfur Galbeed kaas oo uu ku sime ka sii ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka KG Cabdiqaadir Shariif Shiikhunaa Maye”

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan madaxdii hore maamulka halkaan soo gaarsiiyey howsha, waxaan rabaa dardargelinta howlaha muhiimka ah ee na hor yaallo oo ay ugu horreyso amniga in aan si wadajir ah wax uga qabano”

“Waxaan shacabka reer koonfur galbeed ugu baaqayaa in si cadaallad ah aan ugu shaqeyn doono, taasi oo horey la iigu dhaariyey la iguna doortey” siddaas ayuu yiri Madaxweynaha koofur galbeed.

 

 

 

 

 

Previous Post

Wasiirka Qorsheynta oo xarigga ka jaray xafiiska Care International oo Muqdisho laga furay “SAWIRRO”

Next Post

 Guddiga Maaliyadda ee  Golaha Shacabka oo guddoon cusub doortay “SAWIRRO”

Next Post
 Guddiga Maaliyadda ee  Golaha Shacabka oo guddoon cusub doortay “SAWIRRO”

 Guddiga Maaliyadda ee  Golaha Shacabka oo guddoon cusub doortay "SAWIRRO"

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

TURKSOM kaalin intee ah ayeey ku leeyihiin dhismaha ciidanka dalka?

October 10, 2025
0

Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga (TSK) ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2017-kii illaa hadda sii wada Tababarada iyo dhoolatusyada ciidan...

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza

October 10, 2025
0

Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay qorshaha wajiga koowaad ee xabad joojinta Gaza,kaas oo dhigaya in qeybo kamid ah gaza ay Israel...

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

Adeeg loogu talagalay maareynta gal-dacwadeedyada oo Muqdisho laga hirgaliyay

October 10, 2025
0

Qaar kamid ah madaxda hay’adaha ugu sareeya Cadaaladda dalka ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray soo bandhigga adeeg dhanka computerka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

October 9, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In