Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka qorsheynta oo ka wada hadlay qorshaha Horumarinta Qaranka+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho iyo Wasiirka qorsheynta oo ka wada hadlay qorshaha Horumarinta Qaranka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Qorsheynt Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa is waafajinta qorshaha Horumarinta Qaranka iyo qorshaha horumarinta Maamulka Gobolka Banaadir.

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona 2020-2024 ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dawliga , hirgelinta nidaam loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.

Eng. Yarisow ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka arrimaha u qorsheysan Maamulka Gobolka ee la xiriira horumarinta Caasimadda, isagoo xusay baahida loo qabo in la yeesho qorshe isku xiran oo hagaya mashaariicda la qorsheynayo in la fuliyo.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Qorsheynta ka talo galinta bulshada qeybaheeda kala duwan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka. Iyadoo labada dhinac isku raaceen in laga wada shaqeeyo is-waafajinta qorshaha Horumarinta Qaranka iyo qorsheyaasha horumarinta Gobolka Banaadir u dagsan.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Wasaaradda Qorsheynta iskaashiga lagu xoojinayo wada shaqaynta naga dhaxeysa, waxaana kulankeenna iskula soo qaadnay sidii la isku waafajin lahaa qorshaha horumarinta Qaranka iyo Qorshayaasha Horumarineed ee u dagsan Gobolka iyo sidii bulshada loogala tashan lahaa qorshahan oo muhiimad weyn u leh horumarka Caasimadda, kuna saleysan barnaamijka afarta tubood ee Dawladda”.

Wasiirka Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir ay la leeyihiin wada-shaqayn horseedeysa in si buuxda looga wada shaqeeyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ku saleysan afarta Tubood ee Xukuumadda F.S. ku shaqayso.

Previous Post

Shir ku saabsan siyaasadda iyo sharciga waraabka Qaranka oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La kulmay Xildhibaan Pekka Haavisto "SAWIRRO"

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In