Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo ku Booriyay kooxaha Fanka inay ka qeyb qaataan Wacyigelinta Bulshada

admin by admin
January 8, 2019
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo ku Booriyay kooxaha Fanka inay ka qeyb qaataan Wacyigelinta Bulshada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah kooxaha fanka isagoo ku baraarujiyay in ay kaalin firfircoon ka qaataan xoojinta wacyiga bulshada ee wadaniyadda iyo la dagaallanka afkaaraha qalloocan ee kooxaha argagixisada.

 

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo qeyb ka ahaa kulankan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya uga mahad celiyay sida uu ahmiyad gaara u siiyay Fanka, isagoo sheegay in Dowlada ay heysato Fan Xoog badan

“Madaxweyne Fanka wuu kuu baahan yahay, Madaxweyne Fanaaniinta Soomaaliyeed way kuu baahan tahay, Fanaaniinta waxaa deeqa karaamo iyo sharaf, waa dad wadaniyiin ah hadii Wadani Soomaali ku jiro waa fanaaniinta Soomaaliyeed, waxaan kaa codsanayaa inaad isku badnaataan adiga iyo Faniinta”.ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka hadlay baahida kooxaha fanka, isagoo sheegay in wax badan ay Dowlada ka qaban doonto, wuxuuna uga mahad celiyay sida ay markasta ugu adeegayaan Qaranka oo uu sheegay inay ahmiyad gaara ugu fadhiyaan, wuxuuna ku booriyay kooxaha Fanka in ay qeyb weyn ka qaataan sidii dalka looga saari lahaa kooxaha Xagjirka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kula dardaarmay Fanaaniinta inay badiyaan Heesaha ka tarjumaya Dal Jaceylka isagoo sheegay heesaha Shaqsiyaadka lagu amaano in aanay maanta qiimo badan ugu fadhin Dalka.

“Runtii shaqo fiican waad qabateen, waxaan jeclaan lahaa heesaha wadaniyada hala xoojiyo, heesaha shaqsiga lagu amaanayo iska dhaafa, shaqsiga wuxuu wax ku yahay Dalka, Dalka amaana, wadaniyada xoojiya, dowladnimada amaana, waxaa la rabaa in la amaano Qabka Soomaaliyeed iyo awooweyaasheen siday ahaan jireen”.ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Bishii October ee sanadkii tagay ayuu Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka oo aheyd Goobtii Kooxaha Fanka iyo Hidaha Dhaqanka ay Bulshada ugu gudbi jireen Dhambaalada ku aadan Wacyi galinta iyo Baraarujinta Bulshada.

 

Previous Post

Bulshada Rwanda oo amaro cusub lagu soo rogay

Next Post

Tirinta Codadka Wareega 1-aad ee doorashada puntland oo soo dhamaatay

Next Post
Toos udaawo doorashada Madaxweynaha Puntland

Tirinta Codadka Wareega 1-aad ee doorashada puntland oo soo dhamaatay

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In