Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed C/llaahi Tuulax ,oo ka hadlay Debkii Xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inhalkaasi ay ku baabaโday hanta badan oo ay lahaayeen Ganacsatada Soomaaliyeed.
Mudane, Tuulax, oo la hadlayay warbaahinta ayaa intaa in ay ka maamul ahaan xakameeyeen Debka, kaas oo dhalin lahaa qasaare intaa ka badan, wuxuuna sheegay inay wadaan baaritaanno ku aaddan waxyaabaha soo celceliya gubashada Suuqa iyo hantidii lagu waayay.
Debkii Xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sida ay qaar ka mid ah Ganacsatadu sheegeen waxa uu ka billowday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda, isagoo kusii faafay qeybaha Maacuunta, Hilibka, Dukaamo iyo Guryo halkaa ka dhowaa.
Deminta Debkan oo ay Gacan weyn ka geysteen maamulka Gobolka , Shirkadaha Madaxa bannaan iyo Dad weyne is xilqaamay ayaa Saacado ka dib lagu guuleystay in la baqtiiyo, iyadoo Ciidamaduna ay sugayeen ammaanka guud ee Suuqa si anay ugu soo dhuuman tuugada.