Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiyada Caleemasaarka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Guddiyada Caleemasaarka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta kulan la qaatay Guddiyada caleema saarka Madaxweynaha Puntland, kulankaasi waxaa ku wehelinayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Related posts

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026

Guddiyada qabanqaabada caleema saarka Madaxweynaha Puntland ayaa ka booban afar guddi oo kala ah, Guddiga Xiriirka, Casumaada iyo soo dhaweynta, Guddiga martigelinta, dejinta iyo gaadiidka, Guddiga diyaarinta goobta xafladda iyo guddiga amniga waxaana ay dhammaantood kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland .

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ee Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa ka warbixiyey kulankaasi uu la qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Guddiyada calemasaarka, waxaana uu xusay in iyadoo laga duulayo doorashadii taariikhiga ahayd ee 8-da January 2019 iyo xilwareejintii Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland la samayn doono xafladda habmaamuskeedu sareeyo oo lagu caleema saari doono Madaxda cusub ee Puntland.

“Waxaan galabta kulan la yeelanay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Dani iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kulan kaasi waxaa lagaga hadlayey xafladda caleema saarka Madaxda cusub ee dowladda Puntland, maadaama aan galnay doorasho aad u qurxoon, isla markaasna maanta xilwareejintii ay u dhacday si wanaagsan, waxaan u baahanahay inaan samayno xaflad aad u heersaraysa oo aan ku soo dhoweynayso Madaxda cusub, waxaan casumid doonaa, beesha caalamka, saxiibada Puntland, Madaxda DFS iyo kuwa dowlad goboleedyada Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Shire Xaaji Faarax.

-DHAMMAAD-

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta oo kulan wadatashi ah la yeelatay Warbaahinta Madaxbanaan iyo kuwa dowliga ah “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax dhigay Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee Degmada Kaaraan “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax dhigay Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee Degmada Kaaraan “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Dhagax dhigay Garoonka Cayaaraha Qoobdooro ee Degmada Kaaraan "SAWIRRO"

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In