Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Swasiland ee dhaca Koofurta Africa ayaa sameystay urur ay ku mideeysanyihiin kaasoo loogu magacdaray Golaha Midnimida Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Talo-wadaag.
Kulan ay isugu yimaadeen dhalinyaradaasi ayeey gudoomiye ugu doorteen Xasan Shariif Macalin, iyagoo u rajeeyay in uu xilkaasi u guto si ay ku jirto waddaniyad, daacadnimo iyo hufnaan.
Xasan Shariif Macalin oo loo doortay gudoomiyaha ururkaasi ayaa ballan qaaday in uu xilkaasi u gudandoono si ay ku jirto karti iyo waddaniyad, wuxuuna ka codsaday xubnaha ururkaasi in ay ula shaqeeyaan si daacadnimo ah.
Halkan hoose ka aqriso warqadda doorashada guddoomiye Xasan Shariif Macalin