Tuesday, October 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Cadaaladda oo tababar u furay ku dhawaad 30 haween ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Cadaaladda oo tababar u furay ku dhawaad 30 haween ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Soomaaliya ayaa waxaa loo qabtay Haween ka kala socday Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana lagu baranayay qaabka haweenku ku heli karaan cadaalad iyo xalinta khilaafaadka.

 

Related posts

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025

Ilaa 30 haween ah ayaa ka qayb galaya Tababarkaan oo uu maanta furay Wasiirka Cadaaladda XFS,  waxaana uu soco doonaa 4 maalin, iyadoo maalmaha uu socdo laga doodi doonaa helida cadaaladda ee haweenka Soomaaliyeed iyo in xarumaha xalinta khilaafaadka habka dadban haweenku door ka qaataan.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa si faah faahsan uga hadlay muhiimada tababarka iyo halka ay mareyso howsha ka socota xarumaha xalinta Khilaafka habka dadban ee Wasaaraddu ka furtay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

“Haweenku waxaa ay door muuqda ka qaataan hormarka iyo is dhex -galka bulshada, waxaa ay muhiim u yihiin bulshada in cadaalad ay helaan waa muhiim waxaa ay nagu dhalisay inaan qabano tababarkaan soconaya afarta maalin ee helida cadaaladda, waxaan idinka rajeynayaa in bulshada aad dib ugu celisaan cilmiga halkaan ka barataan una sheegtaan inay jiraan xarumo lagu xaliyo khilaafaadka oo furan”ayuu yiri Wasiir Xasan.

Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka dalka ayaa waxaa ay dhawaanahaanba dadaal ugu jirtay sidii loo daadaji lahaa hanaanka cadaaladda dalka isla markaa waxaa ay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir wasaaraddu ka hirgalisay xarumo hab dadban ama xeer beegti lagu xaliyo khilaafaadka bulshada taasoo hadda wasaaraddu sheegtay in hormar ay sameeynayaan.

 

Previous Post

Madaxda Wasaaradda Qorsheynta oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda MSF ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Next Post

Madax ka socday Hay’adda MSF oo Muqdisho kula kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Madax ka socday Hay’adda MSF oo Muqdisho kula kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya+Sawirro

Madax ka socday Hay’adda MSF oo Muqdisho kula kulmay masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya+Sawirro

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe

October 14, 2025
0

14-ka Oktoobar,gaar ahaab 2017-kii waaa dhacdo aad u xanuun badan oo laheyd naxdin iyo amakaag,,kadib kolkii maalin qura ay dhibaatooyin...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

October 14, 2025
0

Shirka Heer Wasiir ee Ururka Dhexdhexaadka Adduunka (Non-Aligned Movement – NAM) ayaa ka furmay magaalada Kampala ee dalka Uganda. ‎...

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

October 13, 2025
0

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed...

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

October 13, 2025
0

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In