Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka qeyb galay kulan looga hadlayay mashaariicda Bangiga Aduunka ee ka faa’iidaysiga biyaha “Sawirro”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka qeyb galay kulan looga hadlayay mashaariicda Bangiga Aduunka ee ka faa’iidaysiga biyaha “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanaka waxaa shir guddoominayya Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Soomaaliya waxaana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka tamarta iyo kheyradka biyaha, masuuliyiin ka socotay xafiiska Ra’isalwasaaraha, wasaaradda Qorsheynta iyo wakiilka Bangiga aduunka ee Soomaaliya Hugh Riddel

Bangiga aduunka ayaa kulan ku soo bandhigay qiimeyn laga sameeyay dhulka qalalan ama aanu wabiga marin ee dalka iyo dadka nool sida ugu wanaagsan ee ay uga faaiidaysaan karaan biyaha iyo beeraha oo bangigu ugu talagalay mashruuc ay ka baxayso 42 milyan oo doolar.

Related posts

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025

Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dowladda federaalka Soomaaliya Prof Cabdullaahi Sheekh Cali ( Qaloocoow) waxa uu sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay dalka.

“waa lacago lagu fulinayo mashruuc Beero, xoolo iyo biyo oo isla socdo oo dalka oo dhan ah. qeybtiisii hore waxaa laga fuliyay Somaliland waxaa ku xigtay Puntland hadana waxa laga fulinaya dhammaan dowlad goboleedyada kale, waa mid muhiimad weyn leh waxaana uu wax ka taraya  beeraha roobka lagu falo iyo biya celinta” ayuu yirri Wasiir ku xigeenka Maaliyadda

Wakiilka Bangiga Aduunka Hugh Riddel waxa uu tilmaamay mashruucaan inuu taageero soo kabashada bulshada ku nool dhulka aanu wabiga marin.

“Mashruucani  waa mid muhiim ah bulshada una wanaagsan, dadku waa ay fahmayaan muhiimada biyuhu u leeyihiin iyo caqabadaha ka heysta heer bulsho, waxay wax ka qabanayaan hantida bulshada sida barkadaha, baliyada iyo biya xereenada, mashruucaan waxaa uu ka biloowday Soomaliland iyo Puntland, Soomaaliya waxa ay samaynaysaa hormar dhinaca maamulka maaliyada ah iyo daqliga waxaan dareemaynaa kalsooni waxaan maalgalinaynaa wax badan, waxaan balaarinaynaa mashruucaan waxaana gaarsiinaynaa Galmudug iyo Koofur galbeed si ay u soo kabtaan, mustaqbalka dhowna waxaan u dhaqaaqaynaa Hirshabeelle iyo Jubbaland” ayuu  yirri Wakiilka Bangiga Aduunka

La’aanta keydadka biyaha roobka xiliga uu da’ayo si looga faa’iidaysto waqtiga roob la’aanta waa mid ka mid ah caqabadaha haysta dadka ku nool miyiga waxaana mashruucani uu noqon karaa mid wax ka tara helida keydadka biyaha hadii uu u  hirgalo sida loogu talagalay 5 sano ee soo socota oo uu mashruucani soconayo.

Cabdishakuur Cali Axmed

 

Previous Post

Shirka saddex billaha ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo ka furmay magaalada Baydhabo+Sawirro

Next Post

Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post
Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Shirka Howlaha Xasilinta dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

October 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa kulan la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In