Sunday, December 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Mareykanka oo dacwad ka gudbiyay shirkada laga leeyahay Shiinaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Mareykanka oo dacwad ka gudbiyay shirkada laga leeyahay Shiinaha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War ka soo baxay Wasaaradda Cadaaladda ee Dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in mareykanka uu dacwado dhawr ah ka gudbiyay madaxa dhaqaalaha shirkadda tiknoolajiyadda ee Huawei ee laga leeyahay dalka Shiinaha Meng Wanzhou,kaasi oo lagu eedeynayo sharci jebion iyo xatooyo kadib markii la xaday shirkadda T mobile ee Mareykanka uu leeyahay

Mas’uulkan dacwadda lagu soo soogay ee Ms Meng iyo shirkadda Huawei ayaa iska fogeeyeen eedeeymahaasi loo soo jeediyay,dhawaana Washington waxaa ay ku eedeysay ku xad gudubka xayiraadii ay saranayd Iiraan,taasi oo sababtay in lagu xiro dalka Canada.

Related posts

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025

Saraakiil sar-sare oo ka socota dalka SHiinaha ayaa lagu wadaa in  toddobaadkan gudihiisa ay tagayaan  Washington si ay Mareykanka ugala xaajoodaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ganacsi ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha,islamarkaana wax la isla meel dhigo.

Dhanka kale war uu soo saaray wasiirka Ganacsiga ee dalka Mareykanka Wilbur Ross ayaa xusay in aan xiriir ka dhexeynin dacwada shirkadaasi loo hayto, iyo wadahadalka ganacsi ee labada dal.

Mareykanka ayaa dalka Shiinaha ku soo rogay canshuur dhan 250 Bilyen badeecadaha laga keeno dalka Mareykanka,taasi oo keentay in khilaf uu soo kala dhexgalo labada dal.

Meng Wanzhou ayaa dhawaan lagu xiray dalka Canada kadib markii uu mareykanka ka codsaday in la xiro Meng, taasi oo xilligaasi lagu soo edeeyay in ay baalmaratay sharcigii cuna qabataynta lagu soo rogay Iran,waxaana taasi ay sababtay in uu xumaado xiriirka Shiinaah,Mareykanka iyo Canada u dhexeeya.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Madaxweyne Laftagareen oo Garoowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed

Next Post
Madaxweyne Laftagareen oo Garoowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo Garoowe kula kulmay bulshada deegaanada K/Galbeed

R/W Xamsa “Ciidanka Qalabka Sida waa inay si deg deg ah uga qeybqaataan gurmadka dadka nugul”

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiiro cusub

December 13, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay xubno cusub oo ka mid noqon doona...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay u-qaabilsanaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga

December 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay u-qaabilsanaha cusub arrimaha milatariga ee Safaaradda Talyaaniga,...

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaatay Kaarka Cod-bixinta ee Guddiga Madaxa Bannaan...

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

Maareeyaha Guud Ee Dekadda Muqdisho Oo Kulan Muhiim Ah Dubai Kula Qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dabai Ports Group

December 13, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa magaalada Abu Dubai kulama...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In