Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan(Cabdul) ayaa maanta Xafiiskiiisa Kulan kula qaatay Agaaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha, waxaana looga hadlay kulankaasi horuamrinta Biyaha iyo Tamarta.
Kulanka oo ka dhacay xafiiska Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa diiradda inta badan lagu saaray qodabada istiraatijiyada horuamrinta Tamarta iyo Biyaha oo dib loogu ballamay fulinteeda.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Dowladda Soomaaliya ayaa ku Ammaanay Wasaaradda Qorsheynta iyo dar-dargelinta ballaaran ee ka socda Wasaaradda Qorsheynta iyo diyaarinta Qorshaha horumarinta Sagaalaad oo haatan ay socoto geedi socodka diyaarinta iyo qoristiisa.
Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan (Cabdul) Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Qorsheynta,Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu mahad celiyay kulanka uu la yeeshay Agaasime Cabdiwaaxid, Waxuuna tilmaayay in istaatijyadaan horuamrinta biyaha iyo Tamarta ay dar dargalin doonaan.