Sunday, August 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 6, 2019
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka Fircowniga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

 

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025

Waxaa ka qeybgalay Wasiirka caafimaadka Dowladda Soomaaliya, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka, Senator Samsam Daahir iyo marti sharaf kale, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan muhiimadda ay u leedahay gabdhaha in ciribtiro caadada gudniinka fircowniga ah.

Sahro Cali Barre oo ah u qaabilsanahay mashruuca ka hortagga gudniinka fircowniga ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa fah faahisay tirada dumarka haatan la dhiban gudniinka guud ahaan dunida.

“Een dunida maanta oo kale 6 February waxaa laga xusaa gudniinkan, ku dhawaad 120 ilaa 140 Milyan  ayaa hadda  la dhibaatoonaya gudniinka Fircowniga guud ahaan caalamka,sida halkani ay dhibaato ugu jiraan 3 Milyen oo kale,sida ay xaqiijisay hay’adda Caafimaadka aduunka”. Ayay tiri Sahro.

Agaasimaha guud ee Wasaaradad Haweenka iyo Xuquuqulinsaanka Soomaaliya Deeq Suleymaan Yuusuf iyo Senator Samsam Daahir oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muhiimad gaar ah la siin doono sharciga ka hortagga gudniinka fircowniga,si uu baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ay u meel mariyaan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa siweyn uga hadashey dhibaatooyinka haweenku ay ku qabaan gudniinka Fircowniga ah.

“Gudniinkan waa caadi aad u fol xun oo gabdhahayna aad ugu silcaan oo markii ay weynaadaan ay ka qaadaan Trumo ama mark ay umulayaan ay dhibaatooyin kala kulmaan iyo guud ahaan nolosha hooyo nimo,waan ognahay in culimadu ay ka hadashey in Diintu aysan raad ku lahayn gudniinkani,marka waa dhibaato”. Ayaya tir Wasiir Fowsiyo.

Maanta oo kale ayaa guud ahaan caalamku waxaa loo asteeyey xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga gudniinka fircowniga ah,waxaana la qabtaa xiliyadan oo kale olole ballaaran oo looga wacyigelinayo bulshooyinka caalamka qatarka gabdhaha ay kala kulmaan gudniinkani.

 

Previous Post

Maalinta Caalamiga ah ee gudniinka Fircowniga oo Muqdisho laga xusay+sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

Ra’iisul wasaaraha XFS oo safar shaqo ugu baqoolay dalka Shiinaha

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KULAN LA QAATAY ERGAYGA GAARKA AH EE XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISH: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

August 24, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In