Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka Fircowniga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Related posts

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026

Waxaa ka qeybgalay Wasiirka caafimaadka Dowladda Soomaaliya, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka, Senator Samsam Daahir iyo marti sharaf kale, waxaana halkaasi lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan muhiimadda ay u leedahay gabdhaha in ciribtiro caadada gudniinka fircowniga ah.

Sahro Cali Barre oo ah u qaabilsanahay mashruuca ka hortagga gudniinka fircowniga ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa fah faahisay tirada dumarka haatan la dhiban gudniinka guud ahaan dunida.

“Een dunida maanta oo kale 6 February waxaa laga xusaa gudniinkan, ku dhawaad 120 ilaa 140 Milyan  ayaa hadda  la dhibaatoonaya gudniinka Fircowniga guud ahaan caalamka,sida halkani ay dhibaato ugu jiraan 3 Milyen oo kale,sida ay xaqiijisay hay’adda Caafimaadka aduunka”. Ayay tiri Sahro.

Agaasimaha guud ee Wasaaradad Haweenka iyo Xuquuqulinsaanka Soomaaliya Deeq Suleymaan Yuusuf iyo Senator Samsam Daahir oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muhiimad gaar ah la siin doono sharciga ka hortagga gudniinka fircowniga,si uu baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ay u meel mariyaan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa siweyn uga hadashey dhibaatooyinka haweenku ay ku qabaan gudniinka Fircowniga ah.

“Gudniinkan waa caadi aad u fol xun oo gabdhahayna aad ugu silcaan oo markii ay weynaadaan ay ka qaadaan Trumo ama mark ay umulayaan ay dhibaatooyin kala kulmaan iyo guud ahaan nolosha hooyo nimo,waan ognahay in culimadu ay ka hadashey in Diintu aysan raad ku lahayn gudniinkani,marka waa dhibaato”. Ayaya tir Wasiir Fowsiyo.

Maanta oo kale ayaa guud ahaan caalamku waxaa loo asteeyey xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga gudniinka fircowniga ah,waxaana la qabtaa xiliyadan oo kale olole ballaaran oo looga wacyigelinayo bulshooyinka caalamka qatarka gabdhaha ay kala kulmaan gudniinkani.

Previous Post

Maalinta Caalamiga ah ee gudniinka Fircowniga oo Muqdisho laga xusay+sawirro

Next Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Next Post
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In