Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee gudniinka Fircowniga oo Muqdisho laga xusay+sawirro

admin by admin
February 6, 2019
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ah ee gudniinka Fircowniga oo Muqdisho laga xusay+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka Fircowniga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Dowladda Soomaaliya,Gaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka,Senator SamSam Daahir iyo marti sharaf kale,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan muhiimadda ay u leedahay gabdhaha in cirirtiro caadada gudniinka fircowniga ah.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Sahro Cali Bare oo ah u qaabilsanahay mashruuca ka hortagg agudniinka Fircowniga ee wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa fah faahisay tirade dumarka haatan la dhiban gudniinkai guud ahaan dunida.

“Een dunida maanta oo kale 6 February waxaa laga xusaa gudniinkan,ku dhawaad 120 ilaa 140 Milyen  ayaa hadda  la dhibaatoonaya gudniinka Fircowniga guud ahaan caalamka,sida halkani ay dhibaato ugu jiraan 3 Milyen oo kale,sida ay xaqiijisay hay’adda Caafimaadka aduunka”. Ayay tiri Sahro.

Agaasimaha guud ee Wasaaradad Haweenka iyo Xuquuqulinsaanka Soomaaliya Deeq Suleymaan Yuusuf iyo Senator SamSam Daahir oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muhiimad gaar ah la siin doono sharciga ka hortagga gudniinka fircowniga,si uu baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ay u meel mariyaan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa siweyn uga hadashey dhibaatooyinka haweenku ay ku qabaan gudniinka Fircowniga ah.

“Gudniinkan waa caadi aad u fol xun oo gabdhahayna aad ugu silcaan oo markii ay weynaadaan ay ka qaadaan Trumo ama mark ay umulayaan ay dhibaatooyin kala kulmaan iyo guud ahaan nolosha hooyo nimo,waan ognahay in culimadu ay ka hadashey in Diintu aysan raad ku lahayn gudniinkani,marka waa dhibaato”. Ayaya tir Wasiir Fowsiyo.

Maanta oo kale ayaa guud ahaan caalamku waxaa loo asteeyey xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga gudniinka fircowniga ah,waxaana la qabtaa xiliyadan oo kale olole ballaaran oo looga wacyigelinayo bulshooyinka caalamka qatarka gabdhaha ay kala kulmaan gudniinkani.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo dhagax dhigay iskuulka sare Degmada Howlwadaag “SAWIRRO”

Next Post

Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”

Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho "SAWIRRO"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In