Sunday, November 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wax ka baro:Taariikhda Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wax ka baro:Taariikhda Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidaliyamada Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya waxayย  ka midyihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaana la aasaasay 10-kii bishii febaraayo 1965kii, ciidanka xoogga dalka soomaaliya wuxuu ka kooban Afar tiir oo kala ah:-ย ciidanka dhulka, ciidanka badda, ciidanka cirka iyo ciidanka difaaca cirka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

November 29, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

November 28, 2026

Sanadkiiย 1963kiiย waxaa safar magaalada Moosko dalkii hore ee Midowga Soofiyeeti ku tagay raโ€™iisal wasaarihii ugu horeeyay xukuumaddii rayidka ahayd ee Soomaaliya Dr.C/rashiid Cali Sharmaarke iyo taliyihii ugu horeeyay ciidamada qalabka sida ee soomaaliya Gen. Daauud C/lle Xirsi waxayna heshiisyo la soo galeen daowladiiย  Midowga Soofiyeeti.

Heshiiskaa oo ay ka mid ahaayeen in ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya la siiyo qalab milatari oo dhanka Badda ah sida maraakiibta dagaalka,muddo yar kadibna Ciidamada Badda waxaa si rasmi ah loo hoos geeyay wasaarada gaashaandhigga xilligaasoo tiradoodu ay gaareysayย 40-askariย oo isugu jiray Saraakiil ,S/xigeen iyo Dabley,tiradaasi yar ee ciidanka Badda Soomaliya lagu aasaasay ayaa waqti gaaban kadib isku bedelay Ciidamo tiro iyo tayo ahaanba lagu aamini karay ilaalinta Xeebta dheerย  ee Soomaaliya.

Bishii febaraayo sanadkiiย 1965kiiย dowlada Midowgii Soofiyeeti waxa ay fulisay heshiiskii ay la gashay dowladda soomaaliya waxayna ku wareejisay ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya maraakiibtii ugu horaysay ee ciidanku ku howlgalay,maalintaasiย  ayaa loo aqoonsaday maalinta ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha ย jamhuuriyada Soomaaliya.

Ciidamada Badda ee soomaaliya waxaa tababarada iyo saanadaha melatari ay ka heli jireen Dowladii Midowga Soofiyeeti, mudo sanad ka yar kadibna waxaa ciidanka Badda gacantooda ku jiray ilaa iyo lix markab waxayna ciidanka Badda isugu jireen Difaaca xeebaha Baro ilaalo oo xeebaha ku teedsanaa ama ku tixnaa iyo ciidamo markii loo baahdo ka dagaalami karay dhulka.

Sanadkiiย 1977kiiย ciidamada Badda ee Soomaaliya waxa ay lahaayeenย 20-markab,10 ururย ooย Commandosย ah oo badda iyo berigaba ka dagaalamaย 15-barย oo xeebaha ku tixnaa, iskuul lagu barto Culuumta badaha oo ay ka soo baxaan ciidanka Badda oo ku yaallay magaaladaย Baraawe.

Waxaa ka loo jiray seddex iskuul oo lagu barto farsamada oo ka dhisnaa magaalooyinkaย Muqdisho Kismaayo iyo Baraawe.

Ciidamada badda iyo difaaca xeebaha soomaaliya waxaa sooย  hoggaamiyay Taliyayaal kala duwan oo ay ka mid ahaayeenย Khaliif Macoow Col- Cali Xaashi Barre Admiral Maxamed Cumar Cismaan Admiral Saciid C/lla Cumar (Saciid Mariino) Admiral Faarax Qare Admiral Madeey Nuuroow Shiikh Ufuroow.

Ciidamada Badda iyo difaaca xeebaha ee soomaliya ee hada jira ayaa ah kuwo ka soo kabanaya bur-burkii dhamaan saameeyay dalka, waxayna iminka ku howlgalaan Doonyo dheereeya, kuwaa oo sameeya sahan, ย kana dagaal geli kara meelaha dhow dhow, ย waxayna fuliyaanย  waajibaadka sida ilaalinta dekadaha iyo biyaha dhow, inkastoo ciidamada Baddu hadda jira aysan lahayn tayadii hore, hadana waxay dadaal ugu jiraan sidii ay awoodooda kor ugu qaadi lahaayeen si Badda Soomaaliya looga ilaaliyo baylahada.

Mudnaanta ay leedahay maalintaan qiimaha leh ee sanadguuradii 54aad ee Ciidamadda Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeedย  awgeed ayaa waxaa hambalyo u diray saraakiisha, Saraakiil xigeenka, Aliflayda, dablayda ciidamada Badda iyo Xaasaskooda Madaxwaynaha J.F.Sย  Maxamed C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha B.F.S Maxโ€™ed Mursal Shiikh C/raxaam, Raโ€™iisalwasaaraha X.F.S Xasan Cali Khayre iyoย  madax kale, dhamman masuuliyiintaan waxay u rajeeyeen Ciidamada Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed inay sanadguuradaan teeda kaleย  ku gaaraan horumar iyo in ay ku guulaystaan waajibaadka qaran ay dalkooda ย iyo dadkooda u hayaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ciidamada Badda ugu Hambalyeeyay Xuska 54 Aad ee Aas Aaskooda oo Beri ku beegan

Dhanka kaleTaliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Daahir aadan Cilmi Indhaqarhse ย ayaa u hambalyeyeyย  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebahaย  ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya Sanad guurada 54-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ahย  10-02-1965-kii.

โ€œWaxaan u Hambalyeynayaaย  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beeganโ€ ayuu yiri Sarreeye gaas Daahir Aadanย  Cilmi Indhaqarshe

Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebahaย  ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-kii,

W/D. Abukar Gobdoon.

Previous Post

Shiinaha oo laga dalbay in uu xiro xarumaha lagu hayo muslimiinta

Next Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulan miro- dhal ah la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga+Sawirro

Next Post
Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulan miro- dhal ah la yeeshay dhigiisa  dalka Turkiga+Sawirro

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulan miro- dhal ah la yeeshay dhigiisa dalka Turkiga+Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo furay Habraaca Wadashaqeynta Booliiska iyo Warbaahinta

November 29, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho ka daah-furay Habraaca Wadashaqeynta...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐๐š๐š๐ก-๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐จ๐ฅ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š Q๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐ญ๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐‚๐ข๐ซ๐ข๐›๐ญ๐ข๐ซ๐ค๐š ๐‚๐ฎ๐๐ฎ๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐›๐š๐ฒ๐ฌ๐ก๐š

November 28, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo Daah-furay Olalaha Qaran ee Tallaalka Ciribtirka Cudurka Dabaysha, ayaa...

Guddoomiyaha SoDMA  oo kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan miro-dhal ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

November 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo safar shaqo ku jooga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb,...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka

November 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta xarunta Wasaaradda kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In