Monday, July 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Tubta Amniga Iyo Cadaaladda Oo Looga Hadlay Qaab Dhismeedka Ciidanka Sugaya Amniga Doorashooyinka

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Shirka Tubta Amniga Iyo Cadaaladda Oo Looga Hadlay Qaab Dhismeedka Ciidanka Sugaya Amniga Doorashooyinka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirka tubta amniga iyo cadaaladda oo lagu qabtay xarunta wasaaradda amniga gudaha, loogana hadlay dhammaystirka hab-raaca cusub ee maamulka iyo maaliyadda ciidanka, qaab dhismeedka ciidanka sugaya amniga doorashooyinka, halka ay marayso diiwaan gelinta ciidanka, qorshaha ciidanka hawl-gabka ah, naafada iyo agoonta.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shirka ka sheegay in hadafka guud ee tubta amniga iyo cadaaladda uu yahay in dalka laga hir-geliyo hay’ado amni iyo caddaaladeed oo aad u hagaagsan, xasiloon oo leh siyaasado, sharciyo iyo hannaan maamullo saxan oo xaqiijin kara himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026

Halbeegyada wasaaradda difaaca dalku ay ku leedahay Tubta Amniga iyo Cadaalada ayaa waxaa qayb ka ah qiimaynta iyo sugidda amniga goobaha loo cayimo wacyi gelinta, diiwaan gelinta iyo xarumaha ay dadku codkooda ku dhiibayanaan.

Himilooyinka Tubta amniga iyo cadaaladda ayaa waxaa qayb ka ah dib-u-habaynta iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga qaranka, muumulidda xilliga kala guurka ee ciidanka qaranku la wareegayaan amniga dalka iyo isku xirnaan habaysan oo lagu dhaqan gelinayo dhammaan qorshayaasha.

Previous Post

Wasaarada Gaadiidka XFS oo dhaqangelinaysa shuruucda badqabka gaadiidka & nabad gelyada waddooyinka+sawirro

Next Post

Shirka Tubta Horumarinta dhaqaalaha oo Looga Hadlay Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalka+Sawirro

Next Post
Shirka Tubta Horumarinta dhaqaalaha oo Looga Hadlay Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalka+Sawirro

Shirka Tubta Horumarinta dhaqaalaha oo Looga Hadlay Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalka+Sawirro

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu dilay ku dhawaad 30 ka tirsan Khawaariijta

July 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta ee...

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

Caaliya oo dhowaan ka qalin-jabisay Kulliyadda TurkSom oo kulan dhiirigelin ah loo sameeyay

July 12, 2026
0

Qaar ka mid ah gabdhaha saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulan dhiirigelin iyo hambalyo ah u sameeyay Caaliya Maxamed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqasho ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya

July 12, 2026
0

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Safaaradda Ururka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya,...

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026 oo lagu soo gabagabeeyay Singapore

July 12, 2026
0

Waxaa si rasmi ah u soo gebageboobay Barnaamijka Strong Nations of Africa 2026, oo socday muddadii u dhexeysay 1-da Juun...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In