Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 11, 2019
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta shir doceedyo magaalada Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan.

 

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxaana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay hiilka walaaltinimo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Suudaan Mudane Cumar Xasan Albashiir, xukuumad iyo shacabba, uga mahadceliyay taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir doceed la yeeshay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Mudane Teodoro Obiang Nguema Mbasog, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal. Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo-guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, muddadii 3 cisho Hayd ee uu Addis Ababa ku sugnaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub, ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Mudane Soltan bin Saad Al -Muraikhi.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Baraawe “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Wasiirrada Kalluumaysiga Federaalka iyo Dawlad Gobaleedyada "SAWIRRO"

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In