Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Baraawe “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiiro ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo howlo shaqo u tegay Baraawe “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, si ay ugu kuur galan xaaladda ka jirta magaaladaasi.

 

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Wasiirada tegay magaalada Baraawe ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Salaad (Omaar) iyo Wasiirka Gargaarka, Mareynta Masiibooyinka Soomaaliya Xamsa Saciid Xamsa iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabur),.

Wafdigan ayaa kormeeray qeybo ka mid tahay magaalada Baraawe sida goob laga dhisayo iskuul lagu baran doono farsamada gacanta, garoonka diyaaradaha Baraawe iyo xero barakacayaal oo ku taalla magaalada Baraawe.

Kormeerka kadib Wasiiradan ka socday Xukuumadda Federaalka ayaa kulamo la qaatay Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan baahiyaha ka jirta Degmada.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa ballan qaaday inay wax ka qaban doonaan baahiyaha dhanka Waxbarashada ee ka jirta Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

“Maanta waxaan kormeer ku tegay magaalada Baraawe ee caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed, si aan ugu kuur galo baahida dhanka Waxbarasho ee ka jirta Baraawe, baahiyaha aan ku aragnay Baraawe waxaan u gudbin doona madaxda dalka sida Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, waxaana rajeynaya in anaga oo kaashaneyna Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed, door muhiim ah aan ka wada qaadan doono horumarinta Waxbarashada”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka Gargaarka Soomaaliya Mudane Xamsa Saciid Xamsa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay wax ka qaban doonto baahiyaha dhanka nolosha ee heysta dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Baraawe.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Salaad (Omaar) ayaa ballan qaaday in la dhameystiri doono dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Baraawe oo xiligan uu ka socdo dhisme.

Previous Post

Wasiirka Ganacsiga oo magacaabay Guddiga xoojinta tayada iyo suuqgeynta waxsoo saarka dalka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxda Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In