Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ugu ambabaxay dalka Burundi

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay wadanka Koonfurta Suudaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza ayaa ka wada hadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca nabadgelyada.

Burundi waxay ka mid tahay waddamada dadaalka ku bixiya nabadaynta iyo xasilinta Soomaaliya, waxaana ciidankoodu qayb ka yahay Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Wafdiga qaybta ka ah booqashada Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa kulamo lagu lafo-gurayo adkaynta wada shaqaynta ka dhexaysa labada dal iyo danaha ay wadaagaan waxa ay la yeelan doonaan dhiggooda dalka Burundi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib u xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Afrika, si ay isaga kaashadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha ay wadaagaan, isuna weydaarsadaan khibradda muhiimka u ah horumarka iyo dowlad-dhiska.

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo shir uga qeyb galaya dalka Masar+Sawirro

Next Post

R/wasaare Khayre oo daah furay bilaabashada mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar

Next Post
R/wasaare Khayre oo daah furay bilaabashada mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar

R/wasaare Khayre oo daah furay bilaabashada mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

Golaha Wasiirrada XFS, oo ansixiyay ergeyga Soomaaliya ee (OIC) iyo dalacsiinta Danjirayaal cusub

July 30, 2026
0

Golaha Wasiirrada XFS, ayaa kulankoodii maanta ku ansixiyay soo-jeedinta Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee magacaabista ergeyga Soomaaliya ee...

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga XFS oo shir muhiiim ah uga qaybgalay dalka Uganda

July 30, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga JFS, Mudane Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta magaalada Kampala ee Jamhuuriyadda Uganda kaga qayb galay Shirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In