Saturday, October 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka waxbarashada XFS oo Cape Town kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka waxbarashada XFS oo Cape Town kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo taclinta sare ee xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Cape Town.

Kulankan ayaa waxaa inta badan goob joog ka ahaa qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed sida ganacsato,  aqoonyahano, siyaasiyiin, ardayda iyo Culumaaudiinka.

Guddoomiyaha jaamacadda Ummadda Maxamed Axmed Jimcaale, danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barrow iyo xubno ka tirsan wasaaradda waxbarashada ayaa goob joog ka ahaa kulanka.

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa xubnaha ka qeyb galay kulanka u sheegay in  dalka Koonfur Afrika u yimid  sidii iskaashi dhanka horumarinta waxbarashada u yeelan lahayeen dalalka Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Koonfur Afrika ay kala hadli doonaan  sidii looga hortagi lahaa dhibaatada loo geysto  dadka Soomaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika iyo sidii arday Soomaaliyeed ee dalkan ku sugan aqoontooda kor loogu qaadi lahaa.

Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa inta uu joogo dalka Koonfur Afrika lagu wadaa inuu kulamo kala duwan la qaato madaxda dalkan.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka sare ee BFS oo Xariga ka jaray Dhismaha Xarunta Guddiga Madaxa banaan ee Hirgalinta Dastuurka

Next Post

Shirkadda Spectrum oo sheegtay in shirkii london lagu xaraashin xirmooyin shidaal ah

Next Post
Shirkadda Spectrum oo sheegtay in shirkii london lagu xaraashin xirmooyin shidaal ah

Shirkadda Spectrum oo sheegtay in shirkii london lagu xaraashin xirmooyin shidaal ah

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta magacaabay agaasimeyaal guud

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga...

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay heshiis is-waydaarsiga ganacsiga labada dal

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ISTANBUL):-Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha XFS Mudane Maxamuud Axmed Aadan iyo Wasiirka Ganacsiga ee Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Talyaaniga

October 18, 2025
0

RADIO MUQDISHO(ROME):-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Talyaaniga, ayaa magaalada Rome kula...

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

Hay’adda NIRA oo ku dhawaaqday muddada khidmad-dhaafka ee kaadhka aqoonsiga Qaranka

October 18, 2025
0

Hay'adda Is-diiwaangelinta Kaarka Aqoonsiga Qaranka Ee NIRA,ayaa shaacisay muddada kama dambeysta ah ee ay ku eg tahay, adeegga khidmad-dhaafka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In