War ay soo saartay shirkaddii sameysay sahanka shidaalka Soomaaliya ee loo yaqaano Spectrum ayaa sheegtay in shirkii London ka dhacay aan marnaba lagu xaraashin xirmooyin la sahmiyay ee shidaalka Soomaaliya,xili dowladda Kenya ay ku doodayso in meel lagu muransanyahay xirmooyin shidaal xaraash lagu sameeyey.
Madaxda sare ee Shirkadaasi Spectrum ayaa sheegay in dhul badeedka sahminta shidaal lagu sameeyay ee xogtiisa lagu soo bandhigay London uu yahay dhul ay leedahay Soomaaliya,taasi oo muujinaysa in dooda Kenya ay tahay mid been abuur ah.
Sidoo kale Spectrum ย warsaxaafadeedkeeda waxaa ay ku cadeysay in aanay ku jirin dhul badeedka lagu muransan yahay ee dacwadeeda uu yaallo Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.
Shirkadda Spectrum Qoraalkan ay soo saartay waxaa lagu soo bandhigay qariiradda muujineysa dhul badeedka sahanka laga sameeyay iyo qeybta dhul badeedka ay ku muransan yihiin Soomaaliya iyo Kenya.