Wednesday, April 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirweynaha Qaran ee soo Bandhigidda iyo Xaqiijinta Hanaanka dhab-u-heshiisiinta oo Muqdisho ka furmay+Sawirro

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Shirweynaha Qaran ee soo Bandhigidda iyo Xaqiijinta Hanaanka dhab-u-heshiisiinta oo Muqdisho ka furmay+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee soo bandhigidda iyo Xaqiijinta Hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran, kaas oo socon doona Sedex Maalin.

 

Related posts

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulanka, waxaana kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada, Wakiilo ka socda Maamul goboleedyada iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Natiijooyinka kasoo baxay Shirar dib u heshiisiin ah oo hore loogu qabtay qaar ka mid ah Gobolada Dalka iyo Gobalka Banaadir.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa wada tashiyo la yeelatay Qeybaha kala duwan ee Bulshada Bartamihii sanadkii tagay 2018, iyadoo kaashaneysa Dowlad Gobaleedyada Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka iyo Maamulka Gobalka Banaadir.

14-Wada tashi ayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ku qabatay Magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Dhuusamareen, Jowhar iyo Baydhabo, waxaana ka qeyb galay in ka badan 700-qof, iyadoona Talooyinkooda la qoray dad kor u dhaafaya 250-qof, oo qaarkood soo jeediyay Siyaasad cad oo lagu wajihi karo Dib u heshiisiinta Bulsho, oo  u gogol xaareysa in dadka wax kala tabanaya ay iscafiyaan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdixaashi Cabdulaahi, ayaa ku amaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye Waqtiga uu galiyay howlaha dib-u-heshisiinta mudadii uu xilka hayay, isagoona kula dardaarmay ka qeyb galayaasha inay Shirka kasoo saaraan waxyaabo faa’iido u ah Dhab-u-Hesheesiinta Umadda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Wasiirka Arrimaha Guddaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Dastuurka XFS Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil, Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdulaahi Xamuud, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal iyo Masuuliyiin kale ayaa ka mid ah Masuuliyiinta ka qeyb galay Furitaanka Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta Dhab-u-heshisiinta Qaran.

Previous Post

Tababar muqdisho looga furay Ciidamo Booliis ah+Sawirro

Next Post

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo Booqday Xarunta Farsamada Gacanta lagu barto ee magaaladda Cape town “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Waxbarashadda XFS oo Booqday Xarunta Farsamada Gacanta lagu barto ee magaaladda Cape town “Sawirro”

Wasiirka Waxbarashadda XFS oo Booqday Xarunta Farsamada Gacanta lagu barto ee magaaladda Cape town “Sawirro”

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

In ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta oo howlgallo lagu dilay

April 21, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan...

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

Xafiiska Hantidhowraha oo bayaan soo saaray

April 21, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in xogta rasmiga ah ee la xiriirta howlaha baarista, hantidhowrista,...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

April 21, 2026
0

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga ugu gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kirgistaan, Mudane Sadyr Japarov, isagoo...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

April 21, 2026
0

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xarigga ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In