Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

admin by admin
February 27, 2019
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan uu Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz iyo madaxa Hay’adda Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA Galib Yilmaz ayaa looga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen xoojinta Iskaashiga labada dowladood, horumarinta wax soo saarka dhanka beeraha, dhiirgelinta iyo tababaridda beeraleyda Soomaaliyeed iyo sidii loo dar dargelin lahaa fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeeyn sida dhismaha biya xireenka Saabuuni iyo keydka  biyaha Xawaadleey ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha ayaa la isku afgartay dhammaan qodobadii laga wada hadlay iyadoo safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz u ballan qaaday in ay laba laabi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya,  isla markaana ay kala shaqeyn doonaan horumarinta wax soo saar ee dalka.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Wasiirka  Wasaaradda  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid aad iyo aad muhiim ugu ahaa labada dhinac.

“Waxaan ku heshiinay in la dhiso Guddi farsamo oo ka kooban Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Hay’adda  Horumarinta dalka Turkiga ee TIKA si loo dedejiyo Fulinta mashaariicyada horumarineed oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeen, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay iskaashiga dhinaca tababarada iyo kor u qaadida tayada Wasaarada beeraha Soomaaliya, waxaa kaloo jira Heshiis ganacsi oo labada dal ka dhaxeeya, Turkiga hada waxaa loo dhoofiyaa Sisinta iyo Liin dhanaanta hadana waxaa rajeeneynaa in Mooska uu ku biiro dalagyada loo iib geeyo dalka Turkiga, ugu dambeyna waxaan ku ballanay inaan ka wada shaqeeno xiriirka labada dal ee dhanka beeraha iyo in Soomaaliya laga taageero sidii ay dib ugu soo nooleen lahayd wax soo saarkeedii dhanka beeraha si ay shacabkeeda u quudiso una gaarto isku filnaansho” ayuu yiri Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  mudane Saciid Xuseen Ciid oo warbaahinta Qaranka la hadlay.

Heshiiskan ayaa waxa uu fududeyn doonaa in beeraleyda Soomaaliyeed ay xoojiyaan wax soo saarka dalagyada ka soo go’a beerahooda, si loogu iibgeeyo dalka Turkiga iyo dalalka kale ee daneeya kheyraadka dalkeena Soomaaliya ka soo go’a.

Xabiib Axmed Cali 

Previous Post

Wasiir Beyle “Dadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka "SAWIRRO"

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In