Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan uu Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid xafiiskiisa kula yeeshay Safiirka cusub ee dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz iyo madaxa Hay’adda Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA Galib Yilmaz ayaa looga hadlay waxyaabo badan oo ay ka mid ahaayeen xoojinta Iskaashiga labada dowladood, horumarinta wax soo saarka dhanka beeraha, dhiirgelinta iyo tababaridda beeraleyda Soomaaliyeed iyo sidii loo dar dargelin lahaa fulinta mashaariicyo horumarineed oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeeyn sida dhismaha biya xireenka Saabuuni iyo keydka  biyaha Xawaadleey ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Kulankan oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha ayaa la isku afgartay dhammaan qodobadii laga wada hadlay iyadoo safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz u ballan qaaday in ay laba laabi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin Wasaaradda beeraha iyo waraabka Soomaaliya,  isla markaana ay kala shaqeyn doonaan horumarinta wax soo saar ee dalka.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Wasiirka  Wasaaradda  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  Mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid aad iyo aad muhiim ugu ahaa labada dhinac.

“Waxaan ku heshiinay in la dhiso Guddi farsamo oo ka kooban Wasaaradda Beeraha Soomaaliya iyo Hay’adda  Horumarinta dalka Turkiga ee TIKA si loo dedejiyo Fulinta mashaariicyada horumarineed oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeen, sidoo kale waxaan ka wada hadalnay iskaashiga dhinaca tababarada iyo kor u qaadida tayada Wasaarada beeraha Soomaaliya, waxaa kaloo jira Heshiis ganacsi oo labada dal ka dhaxeeya, Turkiga hada waxaa loo dhoofiyaa Sisinta iyo Liin dhanaanta hadana waxaa rajeeneynaa in Mooska uu ku biiro dalagyada loo iib geeyo dalka Turkiga, ugu dambeyna waxaan ku ballanay inaan ka wada shaqeeno xiriirka labada dal ee dhanka beeraha iyo in Soomaaliya laga taageero sidii ay dib ugu soo nooleen lahayd wax soo saarkeedii dhanka beeraha si ay shacabkeeda u quudiso una gaarto isku filnaansho” ayuu yiri Wasiirka  Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  mudane Saciid Xuseen Ciid oo warbaahinta Qaranka la hadlay.

Heshiiskan ayaa waxa uu fududeyn doonaa in beeraleyda Soomaaliyeed ay xoojiyaan wax soo saarka dalagyada ka soo go’a beerahooda, si loogu iibgeeyo dalka Turkiga iyo dalalka kale ee daneeya kheyraadka dalkeena Soomaaliya ka soo go’a.

Xabiib Axmed Cali 

Previous Post

Wasiir Beyle “Dadaal keenii wuu mira dhalayaa, guushuna way caddahay”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka "SAWIRRO"

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In